Quantcast
Channel: RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia » Keydka Sawirada
Viewing all articles
Browse latest Browse all 361

Meydka Qof Dumar ah oo Saaka laga helay Xeebda Liido

$
0
0

Muqdisho–KNN–Meydka Qof Dumar ah ayaa Barqanimadii Saaka la keenay Isbidaal ku yaala Degmada Xamar-weyne Ee Gobolka Banaadir,iyadoona Dadka Qaar ay noo sheegeen in Meydkeeda laga soo qaaday Xeebta Liido.

Dhaqtar kamid ah kuwa Isbitaalka Iqra oo Meydka Gabadha la geeyay ayaa Kulmiye  u sheegay in Meydka ay Isbitaalka keeneen Shan Wiil oo dhalinyaro ah,kuwaas oo goobta iskaga tagay.

Wariye  Zakariye Maxamuud  Timacadde oo ka tirsan Kulmiye ayaa Booqday Isbitaalka Meydka la dhigay ,wuxuuna sheegay in Meydka aysan ka muuqan wax Dhaawacyo ah,balse loo maleenayo in Biyaha Badda ay ku dhibatay Ama Ceego lagu dilay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in

Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in la Aqoonsan waayay Meydka Gabadha,waxaana uu Codsaday in Cidii Aqoonsata Meydka ay Isbitaalka la soo xariiraan.

Maamulka Degmada Cabdi Casiis wali kama hadlin Arrintaan ku Aadan Meydka Gabadha Saaka laga soo qaaday Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 361

Trending Articles