Muqdisho–KNN– Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo iskugu jira Boolis iyo Nabad Sugida ayaa ku guuleestay in ay Gacanta ku soo dhigaan oo ay soo badbaadiyaan Gabar jirta 14-Bilood oo Koox Burcad ah ay ka Afduubteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Xuseen Saciid Jimcaale Taliyaha Ciidanaka Booliska Suuqa Bakaaraha oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Qoyska dhalay Ilmaha yar ee la Afduubtay ay ku soo Wargaliyeen Ciidamada Amniga in Gabar yar oo jirta wax ka yar Afar iyo Toban Bilood laga Afduubtay sidaana Ciidamada Amaanka ay baaris ku sameeyeen.
Gaashaanle Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay Sharciga hor geenayaan Dadkii Afduubtay Ilmaha yar.
Sidoo kale Aabaha Dhalay gabadha yar ee la Afduubtay Maxamuud Cismaan oo Asna la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Gabadhiisa meel u dhaw Guri uu ka dagan yahay Bakaaraha lagu Afduubay islamarkaana la weydiistay in uu bixiyo $10 Kun oo Dolarka Mareykanka ah hadii kale la dilayo.
Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato