Quantcast
Channel: RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia » Keydka Sawirada
Viewing all articles
Browse latest Browse all 361

Wadayaasha Mooto Bajaajka oo Muqdisho ku Banaanbaxay” DHAGEYSO+Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN– Dibadbax Xoogan oo ay dhigeen Wadayaasha Mootooyinka Saddex Lugaleeyda ah  ee Bajaajka loo yaqaano ayaa maanta ka dhacay Barxada Iskaashatooyinka Ee Degmada Xamar-weyne Magaalada Muqdisho.

Wadayaasha ayaa ka Cabanaya Lacag Xad dhaaf ah oo ay ka qaadaan Ciidamada Miinashiibiyada ee Dowladda Hoose,waxana ay sheegeen in Lacagtaa ay tahay mid Saa’id ah oo aysan Awoodin.

Saraakiil ka trsan Ciidamada Dowladda Hoose oo ku soo baxay Banaanbaxa Cabashada ah ayaa dhageystay Waxa ay tabanayaan Wadayaasha Mooto Bajajka,inkastoo aysan wali Xal ka gaarin Arrinta ay ka Cabanayaan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Ilaalada wadooyinka Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa Goobta yimid waxaana uu sheegay in wax laga qabanayo Cabshada,waxaana uu la kulmay ilaa 5 kamid ah Guddi ay soo wakiisheen  Mootooleyda.

Halkaan Riix si adaa Codka u dhageysato

   20150516_103845 20150516_103852 20150516_103900 20150516_104003 20150516_104013 20150516_104039 20150516_104120 20150516_104129 20150516_104136 20150516_104333


Viewing all articles
Browse latest Browse all 361

Trending Articles