Kulankaan oo lagu magac daray Wax Kudarista siyaabaha looga hortagayo Xadgudbka lidka ku ah Jinsiga, oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda SWDC oo kaashanaysay AUC,ayaa Waxaa ka soo qayb galay 30 qof oo kala socday Hay’addaha Sharciga xoojiya, Qareeno, Difaacayal xuquuqda admiga iyo Hay’adda culumada Somaliyeed.
Ujeedada kulanka ayaa waxa uu ahaa dib u eegista waxyaabaha siyaabaha qaran ee jira kuna salaysan ka hortaga xadgudibyada lidka ku ah Jinsiga.
Waxaa si qoto dheer lagu falanqeeyay shareecada islaamka iyo qaabka ay uga hortagayso xadgugyada biniaadamka ku dhaca, iyo sidoo kale waxaa dib u eegist lagu sameeyay sharciga xeeerka qoyska ,kaas oo soo baxay 1972 balse muddo kadib la laalay ama aan la dhaqan gelinin, ayadoo si qodob qodob ah looga hadlay waxyabihii uu xooga saaray xeerka qoyska kaasoo waafaqsanaa shareecada islaamka.
Waxaa kaloo aad looga dooday Xeerka ciqaabta somaliyeed gaar ahaan qodobada lagu ciqaabayo cidii ku dhaqaaqdo xadubyada ku salaysan Jinsiga sida kufsiga, muqaadaradka, IWM.
Ugu danbeentii waxaa la soo jediyay:
- Dib u bahaybta xeerka qoyska somaliyeed, kaasoo muhiin u ah xakamaynta dhibaatooyinka qoyska dhexdiisa ka dhacda iyo yareenta xadgudbyada ka dhanka Jinsiga.
- Xadidaada da’da guurka waa in lagu xusaa dastuurka si loga hortago dhibatada iyo dayaacada qoyska dhexdiisa ah, iyo sidoo kale guurka qasabka ama xilliga hore dhaca.
- In shareecada islaamka lagu dabaqo xeerka qoyska kaaso siinaya xuquuq aad u fara badan haweenka, sida Meherka, Nafaqada, Dhaxalka, IWM.