Iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay Jireen dad badan oo somaaliyeed oo dhumiyay dhaqankii subanaa ee lagu yaqanay soomaaliada ayaa waxaa manta munasabadaan taa soo u jeed keedu ahaa sidii loo soo nooleyn lahaa dhanka soomaaliyeed oo la,aamin yaahy in dhalin yaro badan ay lumiyeen dhaqankoodii suubanaa.
Munaasabadaan waxaa ka soo qeyb galay Masuliyiin ka socotay Golaha Abawanada Soomaliyeed Arday wax ka baratay Jamacadaha dalka qaarkood walidiin iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn waxaa goobta kahadlay Gudomiye kuxigenka Golaha Abwanada Somaliyeed Xirsi dhuux Maxamed Wehliye waxaa una soo hadal qaday sida loo soo noleen karo dhaqanka somailyeed.
Inta ay socotay munaasabadaan lagu weyneyanay dhaqanka somaaliyeed waxaa Abwanada madasha ku sugnaa la weydinayay su,aalo la xiriira dhaqanka waxa uu yahy.
Munaasabadaan lagu weyneyay Hidaha iyo dhaqanka Somaliyed ay soo qaban qaabisay Idaacada Kulmiye waxaa soo gunaanuday GudoomiyahaGgolaha Abwanada Soomaaliyed Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub waxa uu uuna dhalinyarada somaliyeed kula dardaarmay in aysan lu minin dhaqankii soo jireenka ahaa.