Kulan uu soo qaban qaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka beni’aadanimada loogana hadlayay xaaladda abaareed ee ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday beesha Caalamka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay qaabkii loo wajihi lahaa xaaladaha beni’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha xilligan ka soo cusboonaday qaybo ka mid ah dalka, waxaana la isku afgartay in da dajiyo gurmad u fidinta dadka ay abaartu saameysay, si aysan u soo noqon macluushii ka dhalatay abaartii sanadkii 2011-ka ku dhufatay dalka.
Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka abaaraha mudane Cabdi Axmed Baafo oo kulan hadal ka jeediyay ayaa wakiilada beesha caalamka u sharxay heerka ay gaarsiisantahay abaaraha ka jirta Soomaaliya iyo meelaha ugu daran ee u baahan in sida tooska ah loo wajaho oo gurmad la gaarsiiyo.
Wasiirka ayaa u soo jeediyay deeq bixiyaasha kulanka ka qeyb galay in ay u gurmadaan dadka ku dhaqan meelaha ugu daran ee ay abaartu ka jirto.