Quantcast
Channel: RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia » Keydka Sawirada
Viewing all 361 articles
Browse latest View live

Sawiro: Booqashada Xasan Sheikh ee Degmada Cadalle

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegey degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno degaanka ka soo jeeda iyo Taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda iyo mas’uuliyiin kale, waxaa si diirran u soo dhoweeyay dadweynaha degmada Cadale oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.Iyo Guddoomiyaha Degmada Cadale Muxuddiin Suudi Macallin Cali.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah dadweynaha kula shiray waxaa uu warbixin ka dhegeysteen mas’uuliyiinta dowladda ee degmada iyo Gobolka, ka hor inta aanay u warbixin odayaasha dhaqanka ee degmada Cadale.

Madaxweynaha oo dadweynaha kula hadlay fagaaraha showrida ee degmada Cadale, waxaa uu kula dardaarmay in ay nabadda hantaan gacanna siiyaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM. Wuxuu ku boorriyaya in kheyraadka dabiiciga ah ee degmada siiba kan badda laga faa’iideysto. Wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in wiilasha Shabaab ka tirsan hadday ka tanaasulaan mabaaddii’da Shabaab loo baahan yahay in la soo dhoweeyo oo aan lagala hor imaan gocosho waxyaabo hore u dhacay.

Madaxweynuhu wuxuu kulan gooni ah la qaatay saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee aaggaas, wuxuuna ku boorriyay in shacabka laga xoreeyo Shabaab, loona gargaaro oo la dhowro xuquuqdooda si loo hanto kalsoonidooda.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu socod ku dhex maray suuqa magaalada iyo xeebta isaga oo la fariistay lana sheekeystay qaar ka mid ah ganacsatada wadooyinka wax ku iibiya.

Cadale waxaa al Shabaab laga saaray kowdii bishan Oktoobar oo maanta toban ah.

DSC4754 DSC4762 DSC4764 DSC4786 DSC4788 DSC4804 DSC4805 DSC4806 DSC4821 DSC4834 DSC4838 DSC4863 DSC4894 DSC4901 DSC4947 DSC4968 DSC5025 DSC5028 DSC5029 DSC5030 DSC5056 DSC5075 DSC5076 DSC5077 DSC5083 DSC5084 DSC5088 DSC5112 DSC5115 DSC5120 DSC5122 DSC48251

Dhammaad

 


Roobabkii ka Da’ay Muqdisho iyo Saameeynta Barakacayaasha”Sawiro”

$
0
0

 

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade Axmed Cumar Shaam

Daawo Sawirada:Booqashada Xasan Sheikh ee Degmada Baraawe

Warshad soo saareeysa Laamayeeriga oo Muqdisho laga Furay”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN--Warshada Qalabka dhismaha ee Cawaale islamarkaana soo saari doonta Laamayeeriga ayaa laga Furay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana Munaasabada xariga looga jarayay oo Muqdisho ka dhacaday ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan.

Maamulaha Guud ee Warshada Cawaale C/llaahi Cabdi Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Warshadu ay sameeyn doonto Laamayeeriga kala duwan,taas oo uu xusay in looga maarmi karo Laamayeerigii dalka Dibadiisa laga soo gadan jiray.

Sidoo kale Gudoomiyaha Warshadaha Rugta Ganacsiga Maxamuud Cismaan Maxamuud ayaa sheegay in uu u mahad celinayo Ganacsatada Figradaan dalka ku soo kordhisay,waxaana uu sheegay in ay Rugta Ganacsiga iska Diiwaan galiyeen.

Warshadaan laga Furay Magaalada Muqdisho,soona saareeysa Laamayeeriga oo dalka Soomaaliya si weyn looga Isticmaalo ayaa ah hormar dalka  oo Mudo Burbursanaa uu ku tilaabsaday.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? blck-100x100 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

 

Daawo Sawirada Qaraxii ka dhacay Muqdisho Caawa

$
0
0

 

IMG_0013

IMG_0012

IMG_0011

IMG_0009

IMG_0008IMG_0007IMG_0006IMG_0004IMG_0003IMG_0002IMG_0001

____________________________________

 

Hooyo Gabadheeda Sacuudiga kilida loogala baxay oo Codsatay Gargaar Caafimaad{DHAGEYSO+Sawiro}

$
0
0

Muqdisho–KNN–Khadiij sheikh Maxamuud waa hooyo dhibane oo haysata  gabar 7sano jir ah  oo sanad kahor xili ay ku sugnayd dalka Sacuudiga, ayada iyo gabadheeda oo maraya mid kamid ah Wadooyinka dalkaasi uu baabuur uu watay nin udhashay dalkaasi uu kujiiray.

Shilkaasi hoyadan Soomaaliyeed kama soogarin,ayada dhaaawac sidaas u weyn hase ahaaate gabadheeda ayaa midkamid ah lugaheeda uu dhawac gaaray.

 Isbitaal lagu Magacaabo Malfahad jeesaan  oo ku yaala Magaalooyinka dalkasi midkood ayaa lageeyey dhaawaca Gabdha yar, waxaana Isbitaalkasi gabadha yar looga gooyay mid kamid ah lugaheeda, halka laga baxsaday mid kamid ah kaliyaheeda.

Hooyadan ayaa hada mudo labo bilood ah waxey joogta dalka. iyadoo wax ehel eysan ujoogin Caasimada Muqdisho ayaa degmada walaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose waxay ugu timid dadka Soomaaliyead in ay   gacan ka siiyan dhibatada haysata maadaama gabadheeda dalka aan waxlooga qaban Karin.

Maanta ayey noogu timid Xarunta Radio Kulmiye,iyadoo wada gabadheeda waxana Qof kasta oo uu Alle damiir ku Abuuray  misane arka uu dareemikaro dhibka haysta.

 Hooya Khadiijo Sheikh ayaa inta aan wareysanayenay waxa aan weydiinay dhibaatada Sacuudiga loogu gaystay waxa Safaarda Soomaaliya ee dalkaasi joogta ay uga qabatay ,waxana ay iigu Jawaabtay sidaan.

Hooyadan dhashay gabadha yar ee Dhibanaha ah ayaa Alle kasakoow waxa ay Madaxda dalka iyo Cidkasta oo wax haysata kacodsatay in ay wax uqabtaaan.

 Tani ayaa kamid ah dhibaatoyinka Xanuunka leh ee muwaadiniinta Somaaliyeed ee ku sugan dalalka shisheeye loogeeysto.

Halkaan Hoose Sawirada ka Daawo+Sawiro sawirda Axmed Cumar Shaam

20141014_103622 20141014_103630 20141014_103646 20141014_103651 20141014_103700 20141014_103710 20141014_103716 20141014_103727 20141014_103732 20141014_103736 20141014_103740 20141014_103831 20141014_103835 20141014_103841 20141014_104106 20141014_104110 20141014_104138 20141014_104145

Maamulka G/Banaadir oo Gaari Dab Damis ah ugu Deeqay Sh.Dhexe”Sawiro”

Ra’iisul Wasaare C/wali iyo M/weynaha Burundi oo Kulmay”Sawiro”

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha dalka Burundi, Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweyne ku-xigeenka, Mudane Prosper Bazombanza iyo xubno ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Burundi, Waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood iyadoo Ciidamada Burundi ay qayb ka yihiin ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM oo ka gacan siiya dawladda Soomaaliya soo celinta amniga iyo xasiloonida . Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay madaxdan ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Burci Maxamed Xamza, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga , Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi, Mudane Abshir Xasan Abshir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dalka Burundi soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, waxa uuna ka warbixiyay horumarada kala duwan ee ka socda dalka Soomaaliya oo muddo dheer uu gaaray burbur kala duwan , gaar ahaan howlgaladda Badweynta India iyo xasiloonida kusoo noqonaysa dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadda Dawladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay dib-u-xoreeyeen inta badan goboladda dalka oo horay ay gacanta ugu hayeen Nabad-diidka Al-Shabaab.

“Waxaan sii xoojinaynaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Burundi iyo Soomaaliya, waxaan la wada soconaa in ciidamada Burundi oo qayb ka ah AMISOM ay naftooda u hureen sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii iyo dawladnimadii Soomaaliya iyagoo ku taageeray dawladda in ka badan 5000 oo ciidan ah, laguna xasuusan doono in ay kaalin muhiim ah uga jirtay dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay in aan ka wada hadalnay madaxda Burundi sidii labada dawladood ay isaga kaashan lahaayeen arrimo ay kamid yihiin Maalgashiga, waxaana kusoo dhoweynaynaa ganacsata dalkan in ay ka qayb-qaadataan maalgashiga Soomaaliya  xilligan mar haddii    amnigu uu soo hagaagay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dawladda Burundi waxaa ay ka wada hadleen eedaynta hay’adda Human Rights Watch ee la xiriirta in Ciidanka AMISOM ay furaxumayn u gaysteen dumar Soomaaliyeed iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in dawladiisu ay arintaasi walaac ka qabto, waxaana dawladda Burundi ay balan qaaday in dhowaan ay Soomaaliya usoo diri doonto guddi ka qayb qaata baaritaanka la xiriira eedayntaasi oo la shaqayn doona dawladda Soomaaliya.

“Waxaan aad uga faraxsanahay horumaradda  ka jira dalka Soomaaliya iyo horumaradda kala duwan ee muuqda. Waxaan sii xoojin doonnaa taageerada aan siinayno walaaleheena Soomaaliyeed si ay usoo noqoto kala danbayntii. Dalkan Burundi waxaa uu soo maray dhibaatooyin dhib badan, maantana waxaan ku talaabsana horumarro aad u badan. Waxa hadda noo muuqdana waa in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatooyinkii horay u gaaray oo meel fiican ay ku socoto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Burundi…

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday qaar kamid ah Warshadaha dalkan si uu ugu kuuragalo horumaradda kala gadisan ee dalka Burundi uu hiigsanayo, isagoo dhanka kalana la kulmay xubno ka socda ganacsatada dalka Burundi oo uu ku dhiirigaliyay in ay yimaadaan soomaaliya oo ay ka qaybgalaan maalgashiga.

gftv ghyr hbgn hygth vlcsnap-2014-10-15-05h12m49s2512 vlcsnap-2014-10-15-05h13m45s582 vlcsnap-2014-10-15-05h13m53s1502 vlcsnap-2014-10-15-05h14m00s2272 vlcsnap-2014-10-15-05h14m13s794 vlcsnap-2014-10-15-05h14m32s242 vlcsnap-2014-10-15-05h15m11s1472 vlcsnap-2014-10-15-05h15m34s982 vlcsnap-2014-10-15-05h15m41s2052

 
Waaxda Warfaafinta ee XRW 
Bujumbura, Burundi
Email: media@opm.gov.so
ridwaanhaji@gmail.com

Twitter: @Ridwaanhaji

 


Golaha Wasiirda oo maanta Shiray”Sawiro”

$
0
0

Khamiis, 16, October, 2014– Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa cambaareeyay falalkii foosha xumaa ee kooxaha Nabad-diidku u geysteen Shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Mudane Khaliif Axmed Ereg oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay markii kooxda Al-shabaab lagu jabiyay goobaha dagaallada, lagana qabsaday illihii dhaqaaluhu kasoo gali jiray iyo deegaannadii saldhigga u ahaa ay bartilmaameed ka-dhigtaan shacabka birmo geydada ah iyo goobaha bulshada rayidka ah iskugu timaado.

“Ugu horeyn anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda waxaan rabaa in aan halkan tacsi uga diro guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii iyo ehelladii dadkoodu ku waxyeeloobay falalkii foosha xumaa ee is-daba-jooga ahaa oo kooxaha Nabad-diidku u geysteen shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg oo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamadda nabad-galyada una soo gudbiyaan wax kasta oo dhibaato ku ah nabad-galyada iyo xasilloonida dalka.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si gaar ah loola socdo abaabullada iyo qorshayaasha ay soo wadaan Al-shabaab, wuxuna ugu baaqay dadka iska leh goobaha ay bulshadu ku kulanto in ay muujiyaan feejignaan si cadowgu uusan khasaare ugu gaysan shacabka iyo hantidooda.

Dhanka kale, ku-simaha R/Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa la kulmay Safiirka dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, waxana ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay Xukuumadda uga mahad celisay dadaalkooda iyo is-garab istaaga dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka dowladda Soomaaliya Mudane Siciid C/laahi Dani oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Soomaaliya dib ugu soo noqday waana inaan fursadahaas ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaa in ay Soomaaliya nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeenna ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka, dowladda Jarmalka waxay dalka ka fulin doontaa mashaariic badan oo waxtar leh” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

 

126 220 318 415

Gadiid Qudaar iyo Xoolo wada oo ku Xaniban Duleedyada Muqdisho”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN– Maamulka Gobolka Banaadir Mas’uuliyiin ka tirsan ayaa maanta Kormeer ku tagay Kontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho ee kala ah Ex-Contorol Afgooye iyo Deegaanka Galgalato ee Duleedka Muqdisho.

Kontoroolada ayaa waxaa lagu arkayay Gaadiid wada Xoolo iyo Qudaar,kuwaas oo sheegay in ay mudo ku Xanibanyihiin halkaasi,sababo la xariira Canshuur Xad dhaaf ah oo Wasaarada Maaliyada Xukumadda Soomaaliya ay ku soo rogtay.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidleyda  oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay  in Lacago badan laga qaado Gaadiidka ay  wadaan ,waxaana ay sheegeen aysan awoodin bixinta lacagahaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko oo halkaas gaaray ayaa sheegay in ay ka Xun yihiin Dhibka lagu hayo Ganacsatada,waxaana uu Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay soo fara galiyaan Arrintaasi oo ay kala Cadeyaan Cida Xaqa u leh qaadista Canshuuraha.

DSCF3772 DSCF3775 DSCF3777 DSCF3781 DSCF3783 DSCF3784 DSCF3785 DSCF3786 DSCF3793 DSCF3794 DSCF3799 DSCF3804

Sawiro: Shirkii ingiriiska ee looga hadlayay Shidaalka Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ka qeyb galay shirkii maalgashiga wadamada Africa “The Globel African Investment Summit” oo saaka ka furmay magaalada London ee caasimada cariga Ingiriiska.

Shirkan ayaa waxaa lagu casumay wadama Rwanda, Soomaali, Uganda, Tanzania iyo Gana, waxaana kasoo Qeyb galay madaxweynayaasha wadamadaas oo kala ahaa Madaxweynaha Rwanda “Paul Kagame”, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo matalaya Soomaaliya  “Dr Cabduweli Maxamed Cali Gaas”, Madaxweynaha Uganda ” Yoweri Kaguta Museveni”, Madaxweynaha Gana ” John Dramani Mahama” iyo Ra’iisal wasaaraha Tanzania “Mizengo Pinda”.

Shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah kana dhacaya SAVOY HOTEL oo kuyaala badhtamada Magaalada London, ayaa waxaa shir gudoomiye ka ah Madaxweynahii hore ee Naigeria “Olusogun Obasango” .

Furitaankii shirka ee saaka ayaa waxaa furay wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee wadamada Britain William Huge oo hada ah Hogaamiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Britain.

William Huge oo khudbad dheer oo taariikhiya ka jeediyey goobtaasi ayaa waxaa uu siweyn uga hadlay fursada wayn ee maalgashiga ee Afrika ka jirta, isagoo si gaarana diirada usaaray Soomaaliya oo uu sheegay inay ka jirto fursad weyn oo dhinaca maalghashiga ah, welibana uu sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ka soo qeyb galka ay Soomaaliya ka soo qeyb gashay shirkani oo ay Puntland u matelaysay Soomaaliya,goobtana uu u fadhiyo Madaxweyne Dr Cabduweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale uu William Huge sheegay in xiligii uu ahaa wasiirka Arimaha Dibada ee wadamada Britain uu furay safaarada Wadamada Britain ee Soomaaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doona shirkani, taas oo uu diirada ku saari doono qorshaha Maamulka Puntland ee dhinaca maalgadhiga Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya oo isagu uu Metelayo.

Shirkan oo ay iyana kasoo qayb galeen Gancsatada waa weyn ee carigani Ingiriiska oo iyagu lahaa fikradii in shirkani la isugu yimaado ayaa waxaa la filayaa inay siweyn ugu tiiqtiiqsadaan ka hadalka sidii loo maarayn lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee ku habsaday Africa, iyo qaabka ugu sahlan ee Afrika lagu maal gashan karo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaashii kale ee Afrika ayaa waxaa qado sharaf u samaysay Boqorada Dalkani Ingiriiska “Queen Elizabeth” , qado sharaftaas oo ay ugu sameeyey Aqalka Boqorooyada ee Magaalada London.

Golbal_Summit_Afrika_14 Golbal_Summit_Afrika_17 Golbal_Summit_Afrika_18 Golbal_Summit_Afrika_19 Golbal_Summit_Afrika_22 Golbal_Summit_Afrika_24 Golbal_Summit_Afrika_26 Golbal_Summit_Afrika_27 Golbal_Summit_Afrika_28 Golbal_Summit_Afrika_29 Golbal_Summit_Afrika_30 Golbal_Summit_Afrika_31 Golbal_Summit_Afrika_161

 

Ra’iisul Wasaare C/wali oo ka warbixiyay Safaro uu ku tagay Dalal dhowr ah”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN–R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. C/weli Sheekh Axmed ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,  kadib markii uu soo dhameeystay safar shaqo oo uu ku tegay dalka Burundi.

R/wasaaraha ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay, xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen R/wasaare Xigeenka ahana wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweyna iyo wasiirro kale.

Dr. C/weli Sheekh Axmed R/wasaaraha dalka oo garoonka diyaaradaha kula hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyay safarkiisa uu ku tegay dalka Burundi, kulamadii uu la qaatay madaxda dalkaasi, waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo heshiis dhex maray labada dal Soomaaliya iy Burundi.

Dr. C/weli Sheekh Axmed  ayaa sheegay in Safaradiisii ay Guulo ku soo dhamaadeen.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

 

M/weyne Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Sudan ee Soomaaliya”Sawiro”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Suudaan ay u soo magcaawday Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Maxamed Yuusuf Cismaan oo kulan wadayeeshay ayaa waxa ay uga hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal iyo sidii dowladda Sudan ay u sii xoojn lahayd taageerada ay Soomaaliya siineyso oo ay ka midyihiin deeqaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka helaan dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safaaradda Sudan ee Soomaaliya ay ka mid ahayd safaaradihii aan xirmin tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe, waxaana uu intaa ku daray in uu aad ugu faraxsanyahay in Muqdisho ay ku soo dhaweeyaan safiirka cusub ee dowladda Sudan u soo magacaawday Soomaaliya.

Safiirka cusub ee dowladda Sudan ee Soomaaliya Dajire Maxamed Yuusuf Cismaan oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in warqadda aqoonsiga safiirnimo uu ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in Madaxweynaha uu u gudbiyay dhambaal uu uga siday dhigiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

IMG_7707 IMG_7711 IMG_7714 IMG_7725 IMG_7734 IMG_7748 IMG_7750 IMG_7751 IMG_7757 IMG_7760 IMG_7770 IMG_7776 IMG_7777 IMG_7789 IMG_7799 IMG_7821 IMG_7829 IMG_7846 IMG_77461

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibdda oo la kulmay ergeyga midowga Afrika”Sawiro”

$
0
0

Mogadishu, October 28, 2014-  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman S. Sidikou , Taliyaha ciidanka AMISOM  Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Saraakiil kale .

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala dhaxeysa ergeyga midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, adkeynta ammaanka dalka ,ka hortagidda  dhuxul laga dhoofiyo dekadda macmalka ah ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose iyo dekadda Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose , si loo dhaqan-geliyo go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud iyo go’aanka  golaha ammaanka ee Qramada Midoobey ay ka soo saareen arrintan .

Wasiiru dowlaha , waxa uu ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inay ka qeyb qaataan ololaha lagu joojinayo , laguna hor istaagayo in dhuxul laga dhoofiyo  Xeebta degmada Baraawe iyo dekadda Magaalada Kismaayo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa muujiyay in dhuxusha ay sabab u noqotay in dhirta iyo deegaanka ay la soo gudboonaato dhibaatooyin kala gedisan, taasina ay ugu wacan tahay dadka oo gubaya geedaha iyo dhirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed  ka baxa si ay u dhuxuleeyaan , ugana ganacsadaan.

Golaha ammaanka ayaa cunaqabateyn ku rogay in Soomaaliya ay dibadda uga dhoofisho dhuxusha laga gubo dhirta, taasi oo la aaminsan yahay inuu yahay isha dhaqaalaha kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida .

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

Daawo Sawirro hor dhac ah imaashaha Ban Kin-Moon


Wasiir Bayle oo Dubai kaga qeyb galay Shir looga hadlayay Burcad badeeda”Sawiro”

$
0
0

Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa  muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeeda oo Wasiiro , Madax iyo saraakiil ciidan oo kala jinsado duwan ay ka qeybgaleen, ugana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda,  ayaa  fal xanuun badan oo murugo leh ku tilmaamay afduubka maraakiibta iyo dadka rayidka ah , isagoo ka dalbaday wadamada ku bahoobay la dagaalanka burcad badeeda inay taageeraan howlaha dib loogu dhisayo ciidan xoog badan oo qalabeysan oo ka howlgala xeebta iyo xuduud badeeda Soomaaliya si loo afjaro falalkaasi bani’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa gelinkii dambe ee maanta kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Mgaalada Dubai ee dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta Wasiiro iyo Mas’uuliyiin heerarkoodu kala duwan yahay.

Dr. Abdirahman Beileh waxa uu si gaar gaar ah ula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta  HH Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Mauritania Ahmed Ould Teguedi , Yemen  H.E. Jamal Abdullah Al Sallal , Brunei H.R.H Mohamed Bolkiah ,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gaadiidka Seychelles H.E. Joel Morgan , agaasimaha Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ambassador Turki bin Mohamed bin Saud Al kabeer , gudoomiyaha Shirkadda dekadaha caalamiga ee Dubai ( DP World) Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem iyo mas’uuliyiin kale .

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay wasiiradaasi iyo mas’uuliyiintaasi kala duwan ee uu la kulmay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya kala dhaxeeya ,horumarinta danaha wadaagga ah iyo taageeridda qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha dalka .

IMAG0933 IMAG0938 IMAG0949 IMAG0950 IMAG0954 IMAG0957 IMAG0966 IMAG0967 IMAG0979 IMAG0985 IMAG0988 IMAG0989 IMAG0993

 

Dowalada Somalia oo Finland ka Dalbatay sii deynta Muwaadiniin ku xiran Dalkaas”Sawiro”

$
0
0

Mogadishu, October 31, 2014- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Finland , ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay kaga warbixiyay guulaha socdaalkiisa .

H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa xusay in dowladda Finland uu kala xaajooday siideynta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran gudaha dalkaasi iyo joojinta musaafurinta Soomaalida , iyadoo la tixgelinayo Siyaasadda iyo sharciga arrimahaas uga degsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo mudadii dalka Finland uu booqashada ku joogay la kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi H.E. Erkki Tuamioja ayaa sheegay in dowladda Finland iyo hey’adeeda horumarinta u qaabilsan uu kala hadlay fulinta mashaariic horumarin oo la gaarsiiyo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya .

H.E. Mahad Salad ayaa sidoo kale carabaabay in dowladda Finland uu kala hadlay fulinta mashruuc dhaqan-celin iyo shaqo-abuur loogu sameynayo dhalinyarada ka tirsaneyd kooxda Al shabaab ee isku soo dhiibtay hey’adaha ammaanka iyo tababaridda Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

 

Nin looga shakiyay inuu Daacish ka tirsanyahay oo inta la gubay haddana hilbihiisa la cunay dalka Congo”Sawiro”

$
0
0

Dad aan tiro yareyn ayaa tuulo ku taala waqooyi bari dalka Koongo ayaa gaari nooca dadwaynaha kala dagay ruux ay uga shakiyeen inuu ka tirsanyahay ururka Daacish kadibna inta dhagax ku dileen oo ay gubeen ayay haddana la cunay hilbihiisa.

Goob joogayaal ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa inay arkeen dadka oo ku xoomaya  wiil qiyaastii dhawr iyo labaatan jir ah oo dhagax ku dilaya kadibna hilbihiisa cunaya markii ay gubeen kadib waxaana falkaani uu ka dhacay tuulo la yiraahdo Beni oo ku taala waqooyi bari dalka Koongada Dimoqraadiga ah oo ah magaalo ay qeyb ahaan degaan dad Muslimiin ah.

Qof sheegay inuu arkayay sida ay wax u dhaceen ayaa yiri. “Gaas ayaa lagu shubay korkiisa markii dhagax lagu dilay kadibna waa la cunay hilbihiisa anigoo arkaya taasoo naxdin igu beertay waxaana uu ruuxaan intaa ku daray in ninkaan laga shakiyay kadib markii uu ku hadli waayay luuqada kswaxiliga oo degaankaasi looga hadlo.

1 2

Dadka magaalada badankood ayaa daawanayay sida ay wax u dhaceen qaarkoodna waxayba ku qaylinayeen inay dilayaan cid kasta oo ay u arkaan inay Daacish ka tirsan yihiin.

Ururka Daacish ayaa ka dagaalama wadamada Syria iyo Ciraaq dalka Kongana waxaa uu ku yaala qaaradda Africa.

Xigasho- Daily Mail.

W/Tarjumay Burhan Dini Farah 

Meydka Taliyihii Booliska oo Muqdisho laga soo dajiyay”Sawiro”

$
0
0

Alle ha u naxariistee Meydka Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen,Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil oo Dalka Kenya loogu qaaday Baaritaano ku aadan in la hubiyo in la sumeeyay iyo in kale ayaa maanta dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur”Ameeriko”ayaa sheegay in Meydka Taliyihii Booliska Magaalada Muqdisho dib loogu soo celinayo si Aas Qaran loogu sameeyo,iyadoona Diyaaradii uu Saarna Meydka Goor dhaw ay ka soo degtay  Garoonka Muqdisho.

Meydka taliyaha ayaa waxaa lagu baaray isbitaalka Nairobi Hospital,iydoo la xaqiijiyay in aan laga helin wax calaamado ah oo muujinayo in la dilay.

Dhaqaatiirka baaritaanka ku sameeyay meydka taliyihii booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in uu u dhintay xanuunka dhanka sambabaha ah oo aysan jirin wax calamaado ah oo muujinayo in la sumeeyay,waxana tani ay meesha ka saareysaa shakigii ahaa in la dilay.

Alle ha u naxariistee Meydka Taliyaha ayaa waxaa lagu wadaa in lagu Aaso Qabuuraha Iskuul Bulusiya,waxaana Aaska ka qeyb galaya Madax uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

122 1222

Faah-faahin Qaraxii Muqdisho”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN-- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaana la sheegay in Qaraxa uu ahaa Mid lagu Xiray Gaari Nuuca Raaxadaa oo ay wateen Dad Shacab ah,waxaana ku Geeriyooday Hal Qof oo Haween iyo Qof Dhaawac ah.

Qofka Dhaawacaa ayaa la sheegay in uu kamid ahaa Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee Garoonka Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray Goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Ilaa hada lama oga Cida sida dhabtaa Qaraxa loola Beegsaday marka laga Reebo Wararka sheegaya in Dad Shacab ah la beegsaday.

DSC00427

DSC00506

DSC00503

DSC00495

DSC00490

DSC00483

DSC00489

DSC00470

DSC00481

DSC00464

DSC00462

DSC00458

DSC00456

DSC00440

DSC00448

DSC00438

DSC00419

DSC00418

DSC00420

DSC00421

DSC00416

DSC00415

DSC00411

DSC00417

Viewing all 361 articles
Browse latest View live