Quantcast
Channel: RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia » Keydka Sawirada
Viewing all 361 articles
Browse latest View live

Wariye C/risaaq Cali Cabdi oo Gaalkacyo lagu Aasay{Sawiro}

$
0
0

Gaalkacyo–KNN–ALLE Ha U Naxariis Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver oo xalay Kooxo hubaysan ay dileen ayaa Saaka Meydkiisa lagu aasay Magaallo Madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver ayaa ka tirsanaa Idaacadda Daljir xarunta ay ku leedahay Gaalkacyo,waxaana uu ahaa Wariyaha Horn Cable Tv uga Warrama Gobalka Mudug.

Aaska loo sameeyay Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimaa’udiin,Maamulka Gobalka Mudug,Maamulka Degmadda iyo dadweyne aad u faro baddan.

Marxuumka ayaa xalay lagu dilay Xaafadda Daraawiish,waxaana ilaa hadda aan jirin cid loo soo qabta dilka loo gaystay Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silve.

Halkaan Ka Daawo Sawirro:- DSC06920DSC06921DSC06922DSC06923DSC06925DSC06926DSC06927DSC06928DSC06929DSC06930DSC06931DSC06932DSC06933DSC06934DSC06935DSC06936DSC06937DSC06938DSC06939DSC06940DSC06941DSC06942DSC06943DSC06944DSC06945DSC06946DSC06947DSC06948DSC06949DSC06950DSC06951DSC06952DSC06953DSC06955


M/weyne Xasan Sheikh oo Furay Shirkii Copenhagen”Sawiro”

$
0
0

Copenhagen–KNN–  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  ayaa Magaalada Copenhagen ka Furay Shirkii looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la filayaa in uu Qudbad ka jeediyo Shirka Copenhagen oo ay ka soo qeyb galeen Madax ka kala timid Caalamka oo Taageera Arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa Mudo Labo maalin ah waxaana looga hadlayaa Waxii u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waxa u harsan ee laga sugayo in ay qabato.

Waxii ku soo kor dha kala soco Radio Kulmiye.com

214313

Wasiir Beyle oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Yemen”Sawiro”

$
0
0

Sanaa,November 26,2014 -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda dalka Yemen Ra’iisul wasaaraha dalkaasi H.E. Khaled Mahfud Bahah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha qaxootiga iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhaxeeya labada shacab.

Wasiir Beileh , waxa uu kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Yemen , kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda  Soomaalida  iyo xoojinta dadaalada lagu cirib-tirayo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda ee dalalka Soomaaliya  iyo Yemen dhibaatooyin ba’an u kala geystay.

Ra’iisul wasaaraha Yemen H.E. Khaled Bahah ayaa muujiyay xushmadda uu u hayo mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay u saldhigidda amniga , nabadgelyada iyo ilaalinta midnimada Yemen .

Khaled Bahah waxa uu taageeray geedi socodka nabadda iyo federaaleynta ee ka soconaya dalka Soomaaliya , isagoo rajeeyay in guul  uu ku dhammaado hiigsiga cusub ee 2006 ee Soomaaliya u qorsheysan .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqaday Rugta Ganacsiga Yemen iyo Xarun goboleedka  isdhaafsiga macluumaadka badda, waxa uu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Kaluumeysiga H.E. Fahd Salem Kefayen .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations 

1 20141125_101204 20141125_101507 20141125_104035 PM YAMAN 4 RUGTA GANACSIGA YAMAN RUGTA GANACSIGA YAMAN 2 RUGTA GANACSIGA YAMAN 3 WASIIRKA KALUUMEYSIGA WASIIRKA KALUUMEYSIGA 2 XARUN GOBALEDKA IS WEDARSIGA MACLUMADKA BADAHA 2

M/weynaha Puntland oo gaaray Boosaaso”Sawiro”

$
0
0

Boosaaso–KNN–Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ahna xarun ganacsiyeedka Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland,Maamulka Gobolka Barri,Maamulka Degmada Boosaaso,Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada 

Intaas ka dib ayaa Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso waxana uu sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo u kuurgelida xaaladdaa Nabadgelyo iyo howlaha shaqo ee dawladda ee ka socda Magaalada Boosaaso iyo sidookale xog waraysi uu la qaadanayo mudada uu joogo bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan Gobolka Bari.

IMG_7603IMG_7618IMG_7625IMG_7644IMG_7653IMG_7654IMG_7657IMG_7658IMG_7660IMG_7662IMG_7668IMG_7670IMG_7676IMG_7687IMG_7692IMG_7693IMG_7696IMG_7698IMG_7699IMG_7704IMG_7705IMG_7706IMG_7707IMG_7708IMG_7712IMG_7713IMG_7714IMG_7715IMG_7728IMG_7729IMG_7730IMG_7731IMG_7732IMG_7733IMG_7734IMG_7735IMG_7736IMG_7750IMG_7751IMG_7752IMG_7754IMG_7761IMG_7787IMG_7815

Jaaliyadda Columbus oo in ka badan $150,000 u balan qaaday dhismaha Jaamacadda Galgaduud “SAWIRRO”

$
0
0

Xaflad dhaqaale loogu uruurinayay Jaamacadda Galgaduud ee ka dhisan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno, Culumaa’udiin, Ganacsato iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Aqoonyahano iyo Culimadaa’udiin ku dheeraaday ahmiyadda ay waxbarashadu iyo aqoontubu u leeyihiin nolosha Aadanaha, ayagoo carabka ku adkeeyay taageeridda Jaamacadda Galgaduud.

Boqolaal jaaliyadda reer Columbus ah oo soo buux dhaafiyay goobta dhaqaalo aruurinta ayaa u riyaaqay talaabada lagu doonayo in lagu dhiso dhisme ay leedahay Jaamacada Galgaduud oo dhismaheeda lagu sheegay in uu ku kacayo  adduun dhan $1000,000 (Hal Milyan) oo doolarka Mareykanka ah, laakiin howl wadeena qorshaha dhismaha Jaamacadda ayaa xusay in wajiga hore ama dhismaha ugu horeeya uu ku kici doono dhaqaalo lacageed oo dhan, $750,000 (Todobo boqol iyo konton kun) oo doolar.

Arintan markii ay soo bandhigeen waxay si weyn u taabatay Jaaliyadda Ohio oo aad ugu istaagay isla markaana soo bandhigay taageeradoodii ugu xooganayd oo ay Jaamacadda la garab istaagaan, waxayna isla goobta ku balan qaadeen bixinta lacag dhan $150,700 (Boqol iyo Konton Kun iyo Todobo boqol), iyaga oo balan qaaday in ay sii wadi doonaan bixinta  dhaqaale kale marka looga baahdo.

Xaflada oo ay ka hadleen Masuuliyiin ay ka midyihiin Wasiirkii hore ee waxbarashada Dr. Cabbdinuur Sheekh Maxamed, Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Jeneral Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Cabdirkarim Cumar, Abwaanka caankaa ee Kabiirka Kooxda Qaylo dhaan Cabdi Shire Jamaac “Cayaar jecel”, oo xafladan darteed uga yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa hadalo dhiirogalin iyo taageero isugu jiray ka jeediyay xaflada, iyaga oo uga mahadceliyay dadaalka isku dayeed ee jaamacad dhidibada loogu taagay.

Xafladan waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin, Gabayo, Riwaayado, Cayaaraha  Hidaha iyo dhaqanka, halka dad dhawaan ka soo laabatay Soomaaliya gaar ahaan  Caabudwaaq ay ka sheekeeyeen nolosha iyo isbadalka adeegyada Bulshada ee deegaanka ka jirta.

Galguduud University oo hada howlgasha  waxaa ardada oo dhan 208  ay ku dhigtaan dhismayaal kiro ah, iyada oo dadka magaalada Caabudwaaq ay balan qaadeen in kaalintooda ay qaadan doonaan.

IMG_6380 IMG_6409 IMG_6433 IMG_6453 IMG_6455 IMG_7428 IMG_7442 IMG_7452 IMG_7465 IMG_7476 IMG_7480 IMG_7504 IMG_7531 IMG_7577 IMG_7583 IMG_7616 IMG_7627 IMG_7632 IMG_7681 IMG_7682 IMG_7695 IMG_7717 IMG_7723 IMG_7725 IMG_7747 IMG_7759 IMG_7780 IMG_7782 IMG_7796 IMG_7801 IMG_7828 IMG_7871 IMG_7901 IMG_7907 IMG_7919 IMG_7921 IMG_7942 IMG_7945 IMG_7959 IMG_7975 IMG_7986 IMG_7988 IMG_8005 IMG_8030 IMG_8036-2 IMG_8063 IMG_8110 IMG_8165 IMG_8203 IMG_8231 IMG_8239 IMG_8244 IMG_8290 IMG_8355 IMG_8374 IMG_8439 IMG_8462 IMG_8510 IMG_74751 IMG_74831 IMG_76871 IMG_77041 IMG_80501

Daawo Sawiro:Muqdisho oo ka soo kabaneysa Bur burkii soo gaaray

$
0
0

Muqdisho–KNN-- Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya ayaa hada waxaa ka Muuqda isbadal dhanka Dhismaha,iyadoona ay jiraan Meelo wali uu ka Muuqdo Bur burkii Dalka ka dhacay.

Waxaa dib u dayactir lagu sameeyay Goobihii Taariikhiga ahaa Qaarkood ee ku yiilay Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho islamarkaana uu saameeyay Bur burkii Dowlad la;aanta.

Waxaa magaalada sidoo kale ka socda Dhismooyin iyo dib u dayactir lagu sameeynayo Guryihii horay u Bur buray.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada iyo Muuqalka Magaalada Muqdisho

554 daljir dekedda-muqdisho1 dhismahaschoolka Dib-U-Dhiska-Muqdisho-18 DSC00089 images (1)  Muqdi muqdisho_1 Muqdisho1 muqdisho-71369871113 Sanabka_muqdisho

Maamul loo dhisay Degmada Jowhar ee Shabeellaha Dhexe”Sawiro”

M/weyne Xasan oo la Kulmay Wakiilada Caalamka u jooga Somalia”Sawiro”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjirayaasha dowladaha iyo ururada caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Xassan Sheekh maxamuud ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo laba laabilahaa wadashaqeynta dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka iyo kordhinta taageerada caalamka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeybgalay iyo madaxweynaha ayaa is dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka gaar ahaan arrimaha amaanka,horumarinta iyo dhanka bani’aadanimada iyadoo ay si weyn usoo dhaweeyeen safiirada kulanka ka qeybgalay khudbadda madaxweynaha ee kulanka.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa kulanka kadib sheegay in isku fikir laga ahaa guud ahaan qodobada laga hadlay isagoo kulankan ku tilmaamay is xog wareysi madaxweynaha iyo safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa kaqeybgalay dhanka Soomaaliya madaxweynaha jamhuuriyadda Xassan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad)iyo la taliyeyaasha Madaxweynaha ee arrimaha amniga iyo siyaasadda iyadoo ay dhanka diplomaasiyiinta goobjoog ka ahaayeen,

Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Noclos key,danjireyaasha midowga Yurub,Turkey,Emarate,Sweden iyo wadamo kale waxaana uu kusoo dhamaaday si guul ah.

wakiilo-1 wakiilo-2 wakiilo-3 wakiilo-4 wakiilo-5 wakiilo-6 wakiilo-7

 


Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Niclos Kay la Kulmay

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulankii xigayna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niklos Key waxaana uu wadajir kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay kusoo gebageboobeen kulammadii Baarlamaanka.

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindval iyo Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key waxa ay si wadajir ah u ammaaneen sida ay kusoo gebageboobeen doodihii Baarlamaanka iyo kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli waxaana ay dhanka kale wadajir u ballan qaadeen iney sii wadi doonaan taageerrada ay la garab taagan yihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu faragelin.

DSC_3091-515x341 DSC_30781-515x341 DSC_30801-515x341 DSC_30851-515x341 (1) DSC_30851-515x341 DSC_30891-515x341

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

 

 

Madaxweynaha Somalia oo kormeerray Tirminalka cusub ee garoonka Muqdisho”Sawiro”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey, qeyb ka mid ahna ay weli ka socdaan.

Madaxweyne Xasan  Sheekh  Maxamuud, ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyey sii haya wasiir ku xigeenka Duuliska iyo Hawada ee Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa ku bilaabay Tirminal-ka cusub ee laga dhisay garoonka Aadan Cabdulle, kaas oo ay dhistay Shirkadda Favori ee dalka Turkiga laga leeyahay, madaxweynaha ayaa war-bixinno ku aaddan dhismaha Tirminaalkaas ka dhageystay Injineerrada howsha wada, isagoo u muujiyey Injineerrada iyo madaxda shirkadda Favori  in dowladda Soomaaliya ay raali tahay horumarka dhanka dhismaha ah ee garoonka Muqdisho laga sameeyey.

IB0A1282 IB0A1337 IB0A1348 IB0A1356 IB0A1390 IB0A1402 IB0A1419 IB0A1431 IB0A1432 IB0A1434 IB0A1443 IB0A1448 IB0A1457 IB0A1458 IB0A1462 IB0A1466 IB0A1484 IB0A1489 IB0A1491 IB0A1492 IB0A1493 IB0A1499 IB0A1502 IB0A1503 IB0A1511 IB0A1515 IB0A1543 IB0A1552 IB0A1553 IB0A1556 IB0A1568 IB0A1579 IB0A1584 IB0A1588 IB0A1589

 

Madaxda & Wariyaasha Muqdisho oo soo dhaweeyay Qabashada Xasan Xanafi”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN–Kulankaan oo ahaa mid lagu soo dhaweynayo Qabashada Xasan Xanafi Xaaji oo ah Sargaal Shabaab ka tirsan islamarkaana Shabaab u qaabilsanaa Dilalka iyo Dabagalka Wariyaasha ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah Madaxda Warbaahinta Dalka, Ururka Suxuufiyeenta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nosoj iyo Wariyaal uu Dadkoodii Dilay Xasan Xanafi.

Ugu horeen Kulanka waxaa ka hadlay Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan C/llaahi Guure oo ka sheekeeyay Dilalka iyo Dhagarta Xasan Xanafi uu u geeystay Wariyaal badan,waxaana uu Codsaday in Sharciga la marsiiyo.

Sidoo kale C/qaadir Maxamed Faarax”Dulyar” oo kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa Asna ka hadlay Kulanka waxaana uu dhankiisa Codsaday in Maxkamad la soo saaro si Danbiyada uu galay loogu qaado,isagoona u Tacsiyadeeyay Ehelada Wariyaasha Xasan Xanafi uu wax ka dilay iyo kuwii uu Shirqoolay.

C/raxiin Ciise Cadoow oo ah Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa Asna kulanka ka sheegay in Talaabada lagu soo qabtay Xasan Xanafi Xaaji ay soo dhaweynayaan,waxaana uu umahad celiyay Laamaha Amaanka ee Suuro galiyay in la soo qabto.

C/raxiin Ciise Cadoow ayaa sidoo kale Fariin u diray Maxkamadaha Dalka taas oo ku aadan in Maxkamadeeynta Xanafi Warbaahinta ay ka qeyb gasho si loogu Cadeeyo Dilalka iyo Danbiyada uu ka galay Saxaafada Soomaaliyeed.

Kulankaan lagu soo dhaweynayay qabashada Xanafi ayaa waxaa sidoo kale dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Wariyaal iyo Ehelada Waryaal uu Shirqoolay Xasan Xanafi oo lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan Maagaalada Muqdisho.

Maxamed Ibaarhin Bageystaan oo Asan Kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Wax lagu Farxo ay tahay in uu Gacanta Dowladda Soomaaliya Soo galo Xanafi oo loohaysto Shirqoolo iyo Dilal loo geeystay wariyaal badan.

Kulanka ayaa Gaba gabadii waxaa soo xiray Wasiirkii hore ee Wasaarada Gacansiga Maxamed Axmed Xasan oo Dhankiisa soo dhaweeyay Qabashada Eedeeysane  Xasan Xanafi Xaaji.

Xuska 1 Xuska 2 Xuska 3 Xuska 4 Xuska 5 Xuska 6 Xuska 7 Xuska 8 Xuska 9 Xuska 10 Xuska 11 Xuska 12 Xuska 13 Xuska 14 Xuska 15

Daawo Sawiro: Nin Hubeeysan oo Weerara ku qaaday Maqaaxi ku Taala Australia

$
0
0

Australia–KNN– Nin Hubeeysan ayaa Weerar ku qaaday Maqaaxi ku taalada Magaalada Sydney ee Caasimadda Dalka Australia.

Wararka ayaa sheegaya in Ninka Hubeeysan uu Maqaaxida ku haysto ilaa 30 Ruux oo kamid ahaa Dadkii Maqaaxida Joogay.

Dadka ayaa sheegay in ay Rakeen Marro Madoow oo Carabi uu ku qoran yahay oo Daaqadaha ka babanaya,iyadoona loo maleenayo Dadka wax weerara in ay yihiin Al-qaa’ida

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Australian Tony Abbott ayaa ka hadlay Weerarka waxaana uu sheegay in Goobta ay ku gadaaman yihiin Ciidamada Booliska.

Waxaa sidoo kale Dadka laga saaray meelaha u dhaw dhaw Maqaaxida Dadka lagu haysto.

sidni_1 sidni_2 sidni_3 sidni_4 sidni_5 sidni_6 sidni_7

240F3C6E00000578-2873855-image-a-221_1418625354699 240F3D9200000578-0-image-a-211_1418625255209

M/weyne Xasan Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Cusub Shiinaha Ee Soomaaliya”Sawiro”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha ee uu hogaaminayay Safiirka Cusub ee dowladaasi ay u soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga.

Kulanka uu la qaatay madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay wafdiga ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha waxaana ay isla garteen in si dhow ay u wada shaqeeyaan islamarkaana xiriir iskaashi uu u dhex maro.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay In maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Shiinaha ay u soo magacowday dalka  Warsame Geel jire, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirka sidii loo bilaabi lahaa mashaariicyo horumarineed oo Dowladdda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Safiirka Cusub Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Warsame Geel Jire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya loo soo magacaabo, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dalka, iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

IB0A5065-515x343 IB0A5068-515x343 IB0A5082-515x343 IB0A5086-515x343 IB0A5093-515x343 IB0A5096-515x343 IB0A5098-515x343 IB0A5099-515x343 IB0A5103-515x343 IB0A5105-515x343 IB0A5109-515x343 IB0A5113-515x343 IB0A5135-515x343 IB0A5146-515x343 IB0A5154-515x343 IB0A5159-515x343 IB0A5163-1-515x343 IB0A5163-515x343

M/weyne ku xigeenka Puntland oo Ciidamo Tababar u soo Xiray{SAWIRO}

$
0
0

Garoowe–KNN–Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay xaflad tababar  loogu soo xirayey Ciidamo katirsan Booliska Puntland iyo weliba Ciidanka Asluubta Puntland kuwaasi oo tiradoodu ay gaaraysay 60-askari oo rag iyo dumarba isugu jiray.

Soo xiritaanka tababarkan ayaa masuuliyiinta Madaxweyne ku xigeenka ku wehlisay waxaa kamid ahaa Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen : Cali Nuur Cumar ,Masuuliyiin ka socday Hay’adda UNDP iyo saraakil katirsan ciidanka Puntland.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawiro Munaasabadda

IMG_2914 IMG_2925 IMG_2928 IMG_2937 IMG_2940 IMG_2943 IMG_2945 IMG_2948 IMG_2964 IMG_2972 IMG_3007 IMG_3013

Daawo Sawiro: Booqashadii Kismaayo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud


Gabar 14 Jir Reer Falastiin ah oo Abaalmarin Caalami ah ku guuleysatay”Sawiro”

$
0
0

Gabar 14 sano jir reer Falastiin ah ayaa ku guuleysatay Tartan caalami ah oo ay kasoo qeybgaleen arday kasocotay wadamo dhowr ah, kaa oo lagu tartamaye xalinta layliyo Xisaab ah oo gaaraye 240 oo ladoonaye in lagu xaliyo mudo 6 daqiiqo ah.

Duniyo Xusni Al-Jabaari oo kasoo jeeda magaalada Hebron ayaa gashay kaalinta koowaad ee tartanka oo lagu qabtay dalka Singapore .Ahmed Ayman oo isagana ah 8 sano jir ayaa noqday ruuxa kaalinta labaad kagalay tartankaasi madama uu xaliyay 180 layli 6 daqiiqo gudahood.

Dad kabadan 3,000 oo ruux oo kakala yimid 15 wadan ayaa kaqeybqaatay tartankaasi oo ahaa mid caalami ah islamarkaana abaal marin shirkado waa weyn ay ku bixinayeen.

Duqa magaalada Hebron Kamel Hmeid, ayaa hambalyo udiray wiilka iyo gabadha kazoo jeeda dalka Falastiin ee kuguuleystay tartan caalamiga

1   4 5  B5Qq2OfCMAAl3VV

Waxaa diyaariyay  Mohamed Bashle

Daawo Sawiro Hor dhac ah Munaasabadii Ciidamada Booliska Soomaaliya

Banaanbax lagu Taageerayo R/wasaare Sharmaake oo Jowhar ka dhacay”Sawiro”

$
0
0

Jowhar–KNN-- Dibadbaxaan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maanta ka dhacay Degmada Jowhar ee Xarunta Shabellaha Dhexe.

Waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha dhex,waxaana u Jeedkiisa uu ahaa Taageerida Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Halkaan Hoose ka Dawo Sawirada

?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ?????????? ??????????

M/weynaha Soomaaliya oo Tababar u soo Xiray Ciidamo ka tirsan XDS”SAWIRO”

$
0
0

Tababarkani xerada Jaziira ee  duleedka Muqdisho loogu soo xirayay dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah  Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxaana munaasabadda xirtaanka tababarkani ka qaybgalay madaxweynaha dalka mudane  Xasan Sheekh Maxamuud.

munaasabadaasi  xirtaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa, Taliyaha CXD Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

waxaa halkaas ka hadlay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaq qarshe  oo sheegay in ciidamadani ay yihiin dufcaddii labaad ee komaandooska ay yeelanayso Soomaaliya, isagoo ciidamadan ku ammaanay inay tababar aad u sarreeya qaateen, uuna rajeynayo inay isbedel dalka ka sameyn doonaan.

Waxaa isaguna ka hadlay xafladda xirtaanka tababarka sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxda argagaxisada, loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto dagaalkooda si dalkan nabad looga dhigo muddo fog kaddib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan  nabad aad ka dhigtaan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri ciidamada tababarka loo soo xirayay

Xigasho radio Muqdisho

IB0A6615-515x343 IB0A6625-515x343 IB0A6627-515x343 IB0A6629-515x343 IB0A6635-515x343 IB0A6639-515x343 IB0A6643-515x343 IB0A6645-515x343 IB0A6647-515x343 IB0A6649-515x343 IB0A6652-515x343 IB0A6662-515x343 IB0A6664-515x343 IB0A6676-515x343 IB0A6685-515x343 IB0A6690-515x343 IB0A6691-515x343 (1) IB0A6691-515x343 IB0A6703-515x343 IB0A6708-515x343 IB0A6711-515x343 IB0A6712-515x343 IB0A6727-515x343 IB0A6728-515x343 IB0A6729-515x343 IB0A6732-515x343 IB0A6750-515x343 IB0A6814-515x343 IB0A6815-515x343 IB0A6816-515x343 IB0A6822-515x343 IB0A6851-515x343 IB0A6852-515x343 IB0A6853-515x343 IB0A6874-515x343 IB0A6875-515x343 IB0A6886-515x343 IB0A6891-515x343 IB0A6893-515x343 IB0A6895-515x343 IB0A6905-515x343 IB0A6910-515x343 IB0A6911-515x343 IB0A6933-515x343 IB0A6976-515x343 IB0A6981-515x343 IB0A6994-515x343 IB0A6997-515x343 IB0A7008-515x343 IB0A7108-515x343 IB0A7110-515x343 IB0A7114-515x343 IB0A7143-515x343 IB0A7146-515x343 IB0A7151-515x343 IB0A7152-515x343 IB0A7166-515x343 IB0A7169-515x343 IB0A7170-515x343 IB0A7171-515x343 IB0A7173-515x343 IB0A7177-515x343 IB0A7202-515x343 IB0A7208-515x343 IB0A7242-515x343 IB0A7245-515x343 IB0A7265-515x343 IB0A7324-515x343 IB0A72671-515x343

Madaxweynaha Puntland oo la Kulmay Safiirka Dawladda Switzerland”Sawiro”

$
0
0

Garoowe–KNN–Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Switzerland Dominik Langen Bakher, kaasi oo maalintii shalay soo gaaray Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Safiirka booqashadiisa uu ku yimi Puntland ayaa waxaa uu si guud u guud maray sanadkii uu hogaanka Puntland hayey waxyaabihii u suurtagalay sida dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada Amniga iyo hanaanka dimuqraadiyada.

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa tibaaxay in la abuuray jawi cadaaladeed  loo siman yahay, amni lagu kalsoon yahay, dhinaca kalana sheegay inla labanlaabay kharashka ku baxa waxbarashada oo markii hore ahaa 3.5% oo hada la gaarsiiyay 7% .

Safiirka Dawladda Switzerland Mr.Dominik Langen Bakher oo dhankiisa uga mahadnaqay  Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweysay ayaa sheegay in uu la qabo fikirka madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , balse loo baahan yahay in la helo siyaasad fadhida oo u dhaxaysa dhinacyada Maamulada Soomaaliya, taasina ay tahay mida keliya ee Soomaaliya horumar la taaban karo ku gaari karto.

Sawirro-2-450x253 Sawirro-3-450x253 Sawirro-4-450x253 Sawirro-5-450x253 Sawirro-6-450x253

Viewing all 361 articles
Browse latest View live