Quantcast
Channel: RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia » Keydka Sawirada
Viewing all 361 articles
Browse latest View live

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Isbitaalka Ciidamadda Xoogga “SAWIRO”

$
0
0

Muqdisho, December 28, 2014— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/G Daahir Aaden Cilmi, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey R/Wasaaraha cusub booqashadiisii ugu horreeyey in uu ku yimaado wasaaradda gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in taliska ciidanka xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska ciidamadda, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

” Waxaan kala shaandhaynay saraakiisha ciidamadda, 3000 oo saraakiil iyo dabley ah ayaa shaqada laga fariisiyey, kadib markii la ogaaday in aysan kasoo bixi karin howsha qaran” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden.

Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay mudadii uu joogay Wasaaradda in isbadal muuqda la sameeyay isla markaana dib loosoo ceshay kaalintii bulshada, iyagoo kusoo biireen ciidamadda XDS aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka qeyb gala shirarka caalamka ee looga hadlayo dib-u-dhiska ciidamadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo kulanka soo xiray ayaa ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca qaranka, iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran, wuxuna kula dar-daarmay ciidanka inay waajibaadka qaran ee dalka iyo dadka ka saran si wanaagsan ugutaan.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Xoogga, waxaana taliyaha ciidanka xoogga S/G. Daahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira qaabka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado tayada Isbitaalka. Wuxuuna xusay in dadka ka shaqeeya ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen Saraakiil Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed


Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda carabta”SAWIRRO”

$
0
0

Qaahira, December 29 – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira oo uu booqasho rasmi ah ku joogo wuxuu ku qaabbilay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Elaraby.

Madaxweynuhu wuxuu Jaamacadda Carabta uga warbixiyay marxaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalku uu ku sugan yahay iyo wadahadallada  Somaliland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay Jaamacadda Carabta isla soo qaadeen sidii loo fulin lahaa ballanqaadkii maaliyadeed ee ay Jaamacdda Carabtu hore ugu ballanqaadday Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa joogitaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta iyo hey’adaheeda.

Wafdiga Soomaalidu waxaa uu codsaday in ay Dowladaha carabtu ay Soomaaliya ka khafiifiyaan deymaha ay ku leeyihiin. Xogahayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Elaraby, ayaa isaguna dhinaciisa waxaa uu sheegay in laga shaqeyn doono sidii loo meelmarin lahaa codsiyada iyo talooyinka Dowladda Soomaaliya.

Wuxuuna ka mahadceliyay dhul ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ugu deeqday Jaamacadda Carabta si ay Xafiisyo uga dhisato.

Kulanka maanta oo ka dhacay Guriga Madaxweynuhu uu ka deggan yahay magaalada Qaahira, ayay Jaamacadda carabtu waxay Dowladda Soomaaliya guddoonsiisay lacag cadadkeedu uu yahay hal milyan oo doollarka Mareykanka, taas oo uu gddoomay sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane, oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.

IB0A9100-515x343 IB0A9114-515x343 IB0A9119-515x343 IB0A9120-515x343 IB0A9121-515x343 IB0A9122-515x343 IB0A9123-515x343 IB0A9131-515x343 IB0A9132-515x343 IB0A9135-515x343 IB0A91111-515x343

Idaacada Kulmiye oo Abaalmarsisay Dhageystihii Saadaaliyay Magaca RW Soomaaliya(SAWIRO+DHAGEYSI)

$
0
0

Xaflad lagu Abaalmarinayay Dhageeystihii Saadaaliyay Magaca Ra’iisul Wasaare Cumar C.rashiid Cali Sharmaake  oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Maamulka Radio Kulmiye,kan City Placa iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xulka Afrika ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hottel City Placa.

Munaasabada lagu Abaalmarinayay Guuleeystaha ayaa sidoo kale waxaa lagu soo dhaweynayay Munaasabada Sanadka Cusub ee Sanadka 2015,waxaana halkaasi ka hadlay Fanaanka Soomaaliyeed Shiimaale Axmed Shiimaale,kaas oo sheegay in wax lagu Farxo ay tahay in Muqdisho ay ku Xusaan sanadka Cusub taasna ay keeneyso Nabada ka jirta Muqdisho.

Waxaana halkaa Abaalmarin iskugu jirta Lacag iyo Shahaado Sharaf lagu siiyay  Maxamed Xasan Colaad oo ah Shaqsigii saadaaliyay Magaca Ra’iisul Wasaaraha Cusub,kadib markii Barnaamij gaar ah oo Idaacadu ay qabatay oo loogu Magacdaray Sheeg Ra’iisul Wasaaraha Cusub uu ahaa Qofkii ugu horeeyay ee Sheega.

Agaasime Kuxigeenka Radio Kulmiye Burhaan Diini Faarax ayaa sheegay in Maxamed Xasan Colaad uu Abaalmarintaan ku gaaray Dadaal uu sameeyay,waxaana uu sheegay in Kulmiye ay Bulshada u shaqeyso si Codkooda loo baahiyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin Kooban

 

 

Grabbed Frame 32Grabbed Frame 33Grabbed Frame 34Grabbed Frame 35Grabbed Frame 36Grabbed Frame 37Grabbed Frame 38Grabbed Frame 39Grabbed Frame 40Grabbed Frame 41Grabbed Frame 42Grabbed Frame 43Grabbed Frame 44Grabbed Frame 45Grabbed Frame 46Grabbed Frame 47Grabbed Frame 48Grabbed Frame 49Grabbed Frame 50Grabbed Frame 51Grabbed Frame 52Grabbed Frame 53Grabbed Frame 54Grabbed Frame 55Grabbed Frame 93Grabbed Frame 94Grabbed Frame 95Grabbed Frame 96Grabbed Frame 97Grabbed Frame 98Grabbed Frame 99

DAAWO SAWIRADA SHOWGA FANAANIINTA KOOXDA XULKA AFRIKA

$
0
0

IMG_2330 IMG_2334 IMG_2335 IMG_2336 IMG_2337 IMG_2339 IMG_2341 IMG_2346 IMG_2350 IMG_2352 IMG_2354 IMG_2355 IMG_2356 IMG_2359 IMG_2360 IMG_2366 IMG_2369 IMG_2370 IMG_2372 IMG_2383 IMG_2393 IMG_2408 IMG_2416 IMG_2419 IMG_2421 IMG_2424 IMG_2428 IMG_2433 IMG_2436 IMG_2449 IMG_2452 IMG_2460 IMG_2468 IMG_2474 IMG_2477 IMG_2483 IMG_2485 IMG_2490 IMG_2498 IMG_2499 IMG_2512 IMG_2513 IMG_2524 IMG_2535 IMG_2540 IMG_2542 IMG_2548 IMG_2550 IMG_2551 ??????????????????????????????? IMG_2565  IMG_2593 IMG_2595 IMG_2599 IMG_2600 IMG_2601 IMG_2602 IMG_2603 IMG_2604 IMG_2605 IMG_2613 IMG_2620 IMG_2623 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_2669 IMG_2670 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

DAAWO SAWIRADDA:Showga Xulka Afrika Iyo Abaal Marinta Kulmiye Radio

$
0
0

Sanadkaan hada bilowga ah ee 2015 dhalashadiisa Muqdisho waxa ay u ahayd mid uga duwan sanado badan oo horey usoo maray maxaa yeelay waxaa xaflad weyn isku kaashaday Kooxda Fanaaniinta Xulka Afrika, Idaacada Kulmiye iyo waliba Hotel City Palace.

Hotelka City Palace ee ku yaala muqdisho waxaa ka dhacday xaflad si heer saro loo soo agaasimahay oo lagu sagootinayay sanadka 2014 laguna soo dhaweynayay sanadka 2015 isla markaana shahaado sharaf iyo lacag lagu gudoon siinayay maxamed xasan oo kamid ah dhageestayaasha idaacada kulmiye.

Maxamed waxa uu ka qeyb qaatay barnaamij gaar ahaa oo loogu magac daray “yaad u saadaalineysaa R/wasaare in uu noqon doono” waxa uuna usoo saadaaliyay Cumar Cabdi Rashiid oo hada R/wasaare ah kulmiyana waxa ay wiilkaasi abaal marin uga dhigtay Shahaado Sharaf iyo Abaal marin lacageed.

Dhinaca kale Showga ka dhacay City Palace ayaa waxaa kazoo qeyb galay boqolal ruux waxaana showga heeso macaan kusoo bandhigay kooxda Xulka Afrika halkaasi waxaa hadiyado ku bixinayay kulmiye iyo City palace waxaana gaari ay bixisay kulmiye Radio ku guuleestay mid kamid ah dadka kazoo qeyb galay barnaamijka.

Gaba gabada waxaa dad kazoo qeyb galay barnaamiyadaasi ay halkaasi ka baxeen iyagoo faraxsan kuna qanacsan barnaamijka halkaasi ka dhacay oo inta badan ay halkaasi ka heleen hadiyadaha ay bixinayeen kulmiye iyo City palace.

IMG_2330 IMG_2334 IMG_2335 IMG_2336 IMG_2337 IMG_2339 IMG_2341 IMG_2346 IMG_2350 IMG_2352 IMG_2354 IMG_2355 IMG_2356 IMG_2359 IMG_2360 IMG_2366 IMG_2369 IMG_2370 IMG_2372 IMG_2383 IMG_2393 IMG_2408 IMG_2416 IMG_2419 IMG_2421 IMG_2424 IMG_2428 IMG_2433 IMG_2436 IMG_2449 IMG_2452 IMG_2460 IMG_2468 IMG_2474 IMG_2477 IMG_2483 IMG_2485 IMG_2490 IMG_2498 IMG_2499 IMG_2512 IMG_2513 IMG_2524 IMG_2535 IMG_2540 IMG_2542 IMG_2548 IMG_2550 IMG_2551 ??????????????????????????????? IMG_2565  IMG_2593 IMG_2595 IMG_2599 IMG_2600 IMG_2601 IMG_2602 IMG_2603 IMG_2604 IMG_2605 IMG_2613 IMG_2620 IMG_2623 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_2669 IMG_2670 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

 

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo diyaariyay Hoolkii lagu qaban lahaa Shirka G/dhexe”Sawiro”

$
0
0

Cadaado–KNN– Iyadoo la filayo in Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ka Furmo Gobolada dhexe ayaa Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa ay soo bandhigeen Hoolkii lagu talo galay in Shirka lagu qabto,kaas oo ku yaala Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulkaasi.

Halkaan Hoose ka daawo sawiradda iyo Xarunta uu Maamulku Diyaariyay

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23

kulan lagu taageerayay Afhayeenka Madaxtooyada oo ka dhacay Muqdisho”Sawirro”

$
0
0

Kulankaan  oo ahaa mid lagu  taageerayay afhayeenka Cusub ee Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ay soo qaban qaabisay  Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ee magaalada muqdisho

kulanka oo ay ka dhexmuqdeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxabanaan ee dalka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Wariye Daa’uud Aweys in uu Noqdo Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow ayaa sheegay in waxlagu farxo ay tahay in Suxufiyiinta ay ka dhexmuuqdaan Dhinaca Siyasadda, isagoo tilmaamay in Daa’uud Aweys uu yahay shaqsi ka soo bixikara shaqadaan  culus ee loo dhiibay.

Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys oo ah nin Suxufi ah oo ka hadlay kulanka lagu soo dhaweynayay ayaa uga Mahad celiyay intii soo qaban qabanqaabisay kulanka, isagoo tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo dhiibay

“Aad baad u mahadsantihiin dhamantiin, waxaan aad ugu faraxsanahay in xilkaan la ii magacaabo, aniga oo og inaad ila shaqayn doontaan, sida ugu wanaagsan ayaan rajaynayaan in xilkaan aan uga soo boxo waana mahadsantihiin dhamaantiin tageerada aad ii muujiseen” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee Villa Soomaaliya

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaahinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ka Wasaarad ahaan  Afhayeenka Cusub eee madaxtooyada oo ah Nin Suxufi ah kana tirsanaa  Shaqaalaha laanta Afka Soomaaliga kuhadasha ee VOA’da oo xaruntooda ay ku taalo dalka maraykanka.

DSC02210 DSC02214 DSC02218 DSC02220 (1) DSC02220 DSC02221 DSC02224 DSC02226 DSC02227 DSC02230 DSC02236 DSC02237 DSC02238 DSC02254 DSC02255 DSC02257 DSC02258 DSC02259 DSC02264 DSC02267 DSC02277 DSC02284 DSC02285 DSC02287 DSC02288 DSC02293 DSC02296 DSC02299 DSC02300 DSC02306 DSC02316 DSC02322 DSC02328 DSC02333 DSC02338 DSC02345 DSC02346 DSC02351 DSC023011

DAAWO:- Wasiirrada Arrimaha Dibedda Wadamada IGAD oo soo gaaray Muqdisho.

$
0
0

Waxaa Dhamaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya soo gaaray Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dowladdaha ku Bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Goroonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah,waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu horkacayo Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle.

Shir Jiraa’id oo ay qabteen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaliya iyo Itoobiya ayey ku Faahfaahiyeen Ujeedka imaashaha Wasiirada IGAD,waxaana ay sheegeen in ay u yimaadeen Caasimadda Soomaaliya Shir Barri ka furmaya Muqdisho oo ay yeelanayaan Wasiirada IGAD ku bahoobay islamarkaana looga hadlayo Xaalada Guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa hadlay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin waxaana uu sheegay in Wax lagu Farxo ay tahay in Soomaaliya lagu qabto Shirkii 53-aad ee  IGAD.

Barri oo ah 10 Bishan ayaa la filayaa hadii Alle Idmo in uu Hottelka SYL ee ka soo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya uu ka Furmo Shirka IGAD.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed


Madaxweynaha Somaliya oo caawa Wasiirada IGAD ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada”Sawiro”

$
0
0

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxay caawa Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ay ku qaabileen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, xilli galabta ay soo gaareen Caasimada.

Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo tiro ka mid ah Wasiirada xilalka haaya, ayaa xubnahaan waxay kula kulmeen Villa Somalia.

Madaxweynaha, ayaa kaga mahadceliyay go’aankooda ku aadan inay yimaadaan Magaalada Muqdisho, isla-markaana taasi Dowladda iyo shacbiga Somaliyeedba ay uga dhigan tahay guul taariikhi ah.

Madaxtooyada waxaa xilligaan ka soconaayo munaasabad soo dhaween ah, waxaana ka qayb qaadanaaya fanaaniinta iyo majaajiliistayaal caan ka ah Magaalada Muqdisho.

Wasiirada IGAD ka socdo, ayaa waxaa la dejiyay Hotel S.Y.L oo ku yaala Madaxtooyada hoosteeda, waana halka la qorsheeyay in berrito uu ka qabsoomo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Igad.

Shirkaan kii horeeyay ee Igad ku yeelato Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu qabtay sanadkii 1985-kii, waana muddo laga jooggo 30 sanadood.

WasiiradaIGAD, ayaa kulankaan diiradda ku saari doono waxa u qabsoomay Dowladda Federalka Somaliya, mudadii ay jirtay iyo hawsha kale ee la doonaayo, inay ku qabato mudada 20-ka bilood ah, ee u harsan.

xulka-wasiiro-1 xulka-wasiiro-2 xulka-wasiiro-3 xulka-wasiiro-4 xulka-wasiiro-5 xulka-wasiiro-6 xulka-wasiiro-7 xulka-wasiiro-8 xulka-wasiiro-9 xulka-wasiiro-10 xulka-wasiiro-11 xulka-wasiiro-12 xulka-wasiiro-13

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo shir uga furmaya maanta Muqdisho. (SAWIRO)

$
0
0

Mogadishu , January 10 ,2015 - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku martigelineysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka maanta oo Sabti ah , 10 ka bisha January 2015  markii ugu horeysay si rasmi ah muddo 28 sano kadib , Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada ku midoobey Urur goboleedka IGAD , wareegiisa 53,aad , iyadoo laga tallaabay marxaladii KMG aheyd ee dalku ku jiray muddo 12 sano .

Shirkani oo ka furmaya gudaha Caasimadda Muqdisho , socon doonana muddo hal cisho ah , ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Ethiopia H.E. Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus , Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youssouf, South Sudan H.E. Dr. Barnaba Marial Benjamin , Sudan H.E. Ali Karti , Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda H.E. Henry Okello Oryem  iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim.

Kulankani oo looga hadli doono taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku talaabsaneysa horumar siyaasadeed iyo mid ammaan , hiigsaneysana qorshayaal dalka dib loogu dhisayo , laguna horumarinayo , ayaa la rajeynayaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada ku midoobay IGAD ay ka soo saari doonaan gaba-gabada shirkooda war-murtiyeed bidhaaminaya waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qabsoomidda kulankan ayaa ah tusaale wanaagsan iyo ifafaale dib u soo celinaya kaalintii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku laheyd caalamka , wuxuuna horseedayaa in dunida ay qirto in Soomaaliya  xilligan ay dib uga soo kabaneyso dagaalo dib u dhigay hanaankeedii dowladnimo .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa u aragta qabsoomidda Shirkani rajooyinka wanaagsan ee xoojinaya awoodda siyaaasadda dibadda ee dalka .

Waxaa Xusid mudan in Dowladdii KMG ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Abdullahi Yusuf Ahmed ay ku marti gelisay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD , oo qabsoomay 29 November 2005.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaalin weyn waxa ay ka qaadatay aas’aasidda Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha ku yaala Bariga Afrika , waxaana si rasmi ah loo aas’aasay sanadkii 1986.

IMG_1891 IMG_1963 IMG_1976 IMG_1997 IMG_1999 IMG_2003 IMG_2007 IMG_2013 IMG_2080 IMG_2104 IMG_2106

Madaxweynaha oo Xaflad Casho Sharaf ah u sameeyay Wafdiga Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Xaflad Casho sharaf ah u sameeyay wafdiga Urur Goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray Muqdisho.

Xaflada Xalay oo  ka dhacday Hotelka SYL ee la dejiyay wafdiga wasiirada ah ee ka socda wadamada IGAD ayaa Madaxweynuhu ugu talagalay in lagu soo dhaweeyo wafdiga ka qeybgalaya shirka IGAD ee Maanta ka furmaya Muqdisho.

Munaasabada Xalay dadkii ka qayb galay waxaa kamid ah ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo tiro ka mid ah Wasiirada xilalka haaya Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Safiiro iyo Xubno kale.

Halkaan Hoose Ka daawo Sawirada Munaasabadii Xalay:-

IB0A6884 IB0A68351 IB0A68431 IB0A68451 IB0A68471 IB0A68501 IB0A68531 IB0A68551 IB0A68581 IB0A68611 IB0A68661 IB0A68671 IB0A68681 IB0A68701 IB0A68721 IB0A68771 IB0A68791 IB0A68801 IB0A68811 IB0A68821 IB0A68891 IB0A68981 IB0A69001 IB0A69061 IB0A69081 IB0A69121 IB0A69281 IB0A69311 IB0A69521 IB0A69571 IB0A69601 IB0A69641 IB0A69651 IB0A69661 IB0A69671 IB0A69701 IB0A69741 IB0A69751 IB0A69781

Ciidamada Amniga oo soo bandhigay Qaraxyo ay Fashiliyeen”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN-- Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay Fashiliyeen Waxyaabo Macmal ah oo la doonayay in lagu qal qalgaliyo Amaanka Magaalada Muqdisho oo uu ka soconayay Waxyaabaha Qaraxa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen in ay furaan waxyaabo macmal ah oo Nabadgelyada lagu qal qal gelin rabay, waxaana uu intaa raaciyay in qaarkood la qarxiyay, iyadoo aan wax dhibaato ah geysanin, isla markaana uu shirka ku soo gabo gaboobay si Nabadgelyo ah.

Afhayeenka ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo ka codsaday in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabeyaasha Shabaab.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

M/weyne Xasan oo ka qeyb galay Aas loo sameeyay Wasiirkii Kaluumeysiga”Sawiro”

$
0
0

Allaha u naxriistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Ra’isulwasaare Cabduweli Sheekh Axmed oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas qaran loogu sameeyay isla magaalada Muqdisho, waxaana aaskaasi ka qeybgalay Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari’ iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u direy dhamaan ehelada, Asxaabta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geeriyada ku timid Mudane Maxamuud Colow Barrow Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Sidoo kale Mas’uuliyiintii goobta aas ka dhacayay ka hadashay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirki hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Alaha u naxriistee Maxamuud Colow Barrow.

???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Golaha Wasiirada oo ka hadlay Soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho, January 22, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo R/wasaaruhu dar-daaran guud siiyey xubnaha golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in laga hortagay weeraro ay kooxaha nabadda diidan doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga qaranka, gaar ahaan gobollada Banaadir, Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in Goluhu uu ka hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga oo maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku iman doono Soomaaliya, iyadoo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameyn doono dalka inta uu joogo, isla markaana uu xariga ka jari doono mashaariic muhiim ah oo kamid yahay dhismaha qeybo kamid Garoonka Aaden Cadde.

“Dalka waxaa maalinta berri ah soo gaari doono Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, waxana mudada uu joogo xariga uu ka jari doonaa mashaariic uu kamid yahay garoonka Muqdisho, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u saaray guddi wasiirro ah oo qaabilsan soo dhaweynta wafdiga, Madaxweyne Erdoğan inta uu dalka joogo waxaa dhici doono heshiisyo dhowr ah oo dowladdu la geli doono dalka Turkiga” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Golaha Wasiirrada ee xilalka sii-haya dadaalkii iyo shaqooyinkii faraha badnaa ee ay soo qabteen mudadii ay xilka hayeen, wuxuna faray in loo baahan yahay xiligan in ay qeyb ka qaataan sidii dalku horey ugu sii socon lahaa, loogana gudbi lahaa aragtiyada kala duwan ee sababaya dib u dhaca dalka.

28 47 58 68 77 86 119 310

Daawo Sawiro Aaskii Boqor Abdallah Bin Abdil-Aziiz

$
0
0

Boqorkii Sucuudiga Abdallah Bin Abdil-Aziiz oo geeriyooday ayaa lagu aasay Qabuuro  aan magaceeda lasheegin oo ku yaal magaalada Riyadh ee caasimada Saudi Arabia.

Aaska Boqorka ayaa waxaa ka qeybgalay Ehelka Boqortooyada, Saaxibada. iyo madax ka socotay Dunida Carabta inteeda kale.

1234567891011Aas 9 Aas 8 Aas 7 Aas 6 Aas 1 Aas 2 Aas 3 Aas 4 Aas 5


Abdirahman Dualeh Beileh oo ka qeybgalay furitaanka Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Midowga Afrika “Sawiro”

$
0
0

Addis Ababa, January 26, 2015 - Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada ku mideysan Ururka Midowga Afrika , wareegiisa 26aad , oo ka furmay Caasimadda Ethiopia oo loogu tala-galay in loogu gogol xaaro shir madaxeedka Madaxda iyo hogaamiyeyaasha Afrika ay isugu  imaan doonaan Magaalada Addis Ababa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida nagu soo fool leh.

Ku dhawaad illaa iyo afartan Wasiiro Arrimaha dibadeed ayaa ku sugan madasha shirka oo socon doona laba cisho .

Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika ayaa yeelanaya kulamo albaabada u xiran , waxa ayna ka doodi doonaan ajandayaal ay soo jeediyeen dowlado xubno ka ah Ururka , sida dowladda Masar oo soo jeedisay aas’aasidda Unugga taageera howlaha dhex-dhexaadinta iyo ka hortagga colaadaha iyo sidoo kale talo jeedinno kala duwan oo ka kala yimid wadamada Niger , Swaziland , Zambia , Cameroon iyo Chad .

Wasiiradu waxa ay falan-qeyn doonaan ka hortagga cudurka Ebola, qalalaasaha ammaan ee ka jira qaar ka mid ah wadamada Afrika , la dagaalanka kooxaha Al shabaab , Alqaacida iyo Boko Haram .

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa lagu wadaa in Shirka uu khudbad ka jeediyo , oo uu ku xusayo horumarka siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka dhaqan-galay Soomaaliya .

Wasiir Abdirahman D. Beileh ayaa mudada shirka uu ka soconayo Addis Ababa , waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Danjirayaal .

Gelinkii hore ee maanta ayey aheyd markii wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay ka ambabaxeen garoonka caalamiga Aden Abdulle ee caasimadda Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

1 2 3 4

Shirka M/weyneyaasha IGAD oo Maanta ka Furmaya Addis Ababa”Sawiro”

$
0
0

Madaxda wadamada urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Adis Ababa ku yeeshay shirkii 29-aad ee heer madaxweyne.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay ka mid yihiin madaxda wadamada midowga afrika oo magaalada Adis Ababa uu  maanta  uga furmayo shirka 24-aad ee madaxweynayaasha midowga afrika.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowlada Soomaaliya uga qeyb galayo shirkaasi madaxda midowga afrika.

Dhamaan madaxweynayaasha midowga afrika iyo mas’uuliyiinta ka socoto wadamada afrika ayaa gaaray magaalada Adis Ababa.

Halku ku dhigga shir madaxeedka midowga afrika ee sanadkan 2015 ayaa waxa uu yahay awood siinta haweenka iyo horumarinta ajendaha qaarada afrika ee sanadka 2063.

Shirka madaxeedka midowga afrika ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa sidii wax looga qaban lahaa kooxaha argagixisada ah ee ka jira qaarada afrika

Albashiir Riyak Silva1 Uhuru Xasan2 Yuweri

M/weynaha Zimbabwe oo kufay”Sawiro”

$
0
0

M/weynaha 90 sanno jirka ah ee dalka Zimbabwe  Robert Mugabe  ayaa ku kufay roogii uu ku socday Arbacadii shalay xilli uu ka degayay garoonka diyaaradaha magaalada Harare ee caasimada dalkiisa.

Wariye u shaqeeya wakaaladda wararka AFP ayaa la helay sawiro muujinaya m/weyne Mugabe oo inta tilaabo qaado haddana dhacaya garbahana ay ka qabanayaan xubno dawlada ka tirsan.

M/weyne Robert Mugabe ayaa xilliga uu kufayay waxaa uu ka laabtay magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasoo uu kaga qeyb galay shirkii madaxda Midawga Africa oo asaga shir gudoon loogu doortay.

M/weynahaan oo sidoo kale noqday hogaamiyaha madaxda xilligaan ee Africa kan ugu da’da weyn ayaa kufay waxyar kadib markii uu dhamaystay  hadal uu warbaahinta siiyay oo uu kaga hadlayay safarkiisii Addis-Ababa.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku waramaysa in markii uu dhacay ama uu kufay M/weynuhu inay markiiba caawiyeen oo ay garbo qabteen xubno ka tirsan illaaladiisa iyo madaxdii kale ee goobta ku sugnaa ayagoo horey ka saaray gaarigiisa oo goobta yaala.

Robert Mugabe oo dabayaaqada bishaan noqonaya 91 sanno jir ayaa talada wadanka Zimbabwe qabsaday 22 bishii December sanadkii 1987,kii.

APTOPIX Zimbabwe Mugabe Fall 2 Zimbabwe Mugabe Fall-4

Xigasho: AFP

W/Tarjumay Burhan Dini Farah

Tel: +252-615108019

burhandiini@gmail.com

 

Ururada Bulshada oo M/weynaha ku Dhaliilay la kulanka qaar kamida Maamul Goboledyada”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN-- Xili Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu la kulmay Qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa Arrintaasi ka soo horjeestay Ururada Haweenka Soomaaliya.

Sahro Maxamed Axmed oo  lataliye dhanka Sharciga u ah Hay’ad ka hadasha Hormarka Bulshada rayidkaa ee magaceeda loo soo gaabiyo SWDC ayaa tilmaantay in ay arintaas ay tahay mid laga Xumaado.

Sidoo kale Haweenka ayaa soo hadal qaaday Maamulka loo sameenayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Xaliimo yareey oo kamid ah Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa sheegtay in Gobolada dhexe ay u baahan yihiin oo kaliga hoogaamiye toosiya Dadka ku nool Gobolada dhexe oo Nabada Jecel.

Ugaas yadii iyo wax garadkii kasoo qeyb lagay kulankaas ayaa sheegay in ay tahay wax loo bahan yahay  in Haweenku ay door muuqda ka qaataan Maamulada loo sameynayo Gobolada dalka Soomaaliya Muhiimaduna ay tahay in lahelo Maamul Wanaagsan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada ka dhana Dhageyso Codka

??????????????????????????????? 2 IMG_1401 IMG_1420 IMG_1473

Jawaari oo la kulmay M/weyneyaasha K/Galbeed iyo Jubbaland”Sawiro”

$
0
0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay
Madaxweynayaasha Maamullada KMGka ah ee Koonfur
Galbeed,Jabbaland,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka
labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay
xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo shirka furay uu ugu horeyn uga mahad celiyey dhinacyada
kasoo qeybgalay sida ay marti qaadkiisa u aqbaleen, waqtiga haray ayuu
tilmaamay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu aad u gaaban yahay
sidaasi daraadeedna looga baahan yahay shacabka labada maamul iney is
cafiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan islamarkaasina ay horey u socdaan
ayadoo lagu dadaallayo midnimada dalka iyo muwaadiniinta.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa
sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u
heshiisiin dhab ah oo dhex marta shacabka ku dhaqan gobollada ay ka
arimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la iskaga kaashan lahaa
arrimaha hormarinta, amniga, deris wanaagga iyo in si wadajir ah oo loo
wada dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan oo hada ah KMG.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Shariif
Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba waxa ay faah faahin ka
siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka
ka qeybgalay halka ay wax u marayaan, waxyaabaha u qabsoomay maamulladan
KMGka ah iyo halka ay hiigsanayaan taasi oo ay aad ugu riyaaqeen
dhinacyadii kulanka kasoo qeybgalay ayadoo Xildhibaannada,Odayaasha
Dhaqanka iyo Dhalinyaraduna ay aragtidooda ka dhiibteen madasha
islamarkaana ay soo dhaweeyeen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka
isugu keenay hogaanka iyo dhinacyada metelaya labada maamul.

Gebagebadii kulanka waxaa la go’aamiyey in la sameeyo guddiyo
Xildhibaanno,Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin,ururrada bulshada rayidka ah
ka kooban kuwaasi oo hubinayo in dhameystirka dhismaha maamul
goboleedyadan koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay noqdeen maamul goboleedyo
dadka ay raali ka wada yihiin,loona wada dhan yahay.

DSC_3737 DSC_3741 DSC_3744 DSC_3747 DSC_3748 DSC_3750 DSC_3752 DSC_3753 DSC_3755 DSC_3757 DSC_3759

—DHAMAAD—

Viewing all 361 articles
Browse latest View live