Quantcast
Channel: RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia » Keydka Sawirada
Viewing all 361 articles
Browse latest View live

Kulmiye News Network awarded the Somalia Parliament speaker Prof. Mohamed Osman Jawari on the eve of the network’s 4th anniversary

$
0
0

Muqdisho-KNN–The Kulmiye News Network in Mogadishu has presented an honorary award to the speaker of the Somalia Parliament Prof. Mohamed Sheikh Osman Jawari in well decorated event in Villa Hargeysa, the administrative offices of the parliament.

A well-organized ceremony in Villa Hargeysa, the administration of Kulmiye Radio presented the Honorary award to the speaker, which he deserved for his great role of speaking pure Somali language for his addresses of the parliament, his speeches and media conferences and statements.

The speaker is recognized as the only Somali leader who doesn’t mix the Somali language with the foreign languages when he speaks to public as well as the media, and in that regard Kulmiye Radio awarded him for choosing the pure Somali language without mixing other foreign languages.

The event, which was held on the eve of the 4th anniversary of the foundation of Kulmiye News Network, becomes that first of its kind, which the Somali media institutions awarded a Somali leader for his role of what the local consider very important like the use of the national language without mixing other language such us English, Arabic, Italian and others.

Osman Abdullahi Gure, the director of Kulmiye News Network spoke at the opening of the event and told speaker Jawari why Kulmiye radio wants to give him an award.

“The speaker is the only Somali leader in the who uses the Somali language without mixing other languages, that is a move to consider the existence of our national language, we know he speaks other languages, but your respect to our mother tongue makes great sense for the people”

Abwan Gure also requested Abukar Albadri, a Somali journalist who advocates for the restoration of the Somalia culture and traditions to present the award certificate to the speaker on behalf of Kulmiye News Netwrok.

Abukar Sheikh Ahmed Albadri speaking up on presenting the award certificate to the speaker said “It is great honor for me to present this award to you, speaker, on behalf of Kumliye News Network, I am sure you deserved to be awarded because of your respect to the national language”

“I request you to present the Somalia culture in the parliament and convince the lawmakers to dress as representatives of the public and use local traditional dressing while in the parliament” he added.

Abukar Albadri requested the speaker to tell the parliament to speak Somali language when they make their speeches and discussions about the bills and motions in order the public to understand what their lawmakers said.

Speaker Jawari, accepting the award praised Kulmiye Radio for its role of encouraging the public to unite for the public interested and promotion of peace.

“First of all I congratulate Kulmiye Radio for its 4th anniversary, I listen Kulmiye Radio and I like some of its programs, I commend the great services it does for the information, entertaining and mobilization of the public”

“I am very touched the you’re awarding me to the use of the Somali language, while I believe my Somali was still poor, but thanks that you knew I was using poor Somali in order to respect the moral ethics of my people” he added

The speaker promised to raise the issue of the language to the parliament in order to make them know that both the media and the public are following our discussions and need to understand what the lawmakers discussion and their rights.

Kulmiye Radio awards the individuals that did great things with public interested in its yearly anniversary ceremony, which it intends to recognize the great work those individuals does for the public interest. END

IMG_0779 IMG_0782 IMG_0784 IMG_0785 IMG_0789 IMG_0799 IMG_0807 IMG_0817 IMG_0824 IMG_0828 IMG_0841 IMG_0843 IMG_0878

IMG_0916

KNN OO SHAHAADO SHARAF GUDDOONSIISAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA “SAWIRO”

$
0
0

Muqdisho-KNN– Shabakadda wararka Kulmiye ee fadhigeedu yahay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa Shahaaddo-sharaf guddoonsiisay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa ee laga maamulo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiye Jawaari wuxuu Maamulka Shabakadda Wararka Kulmiye wuxuu kaga guddoomay shahaaddo sharaf uu ku muteystay dhawrsita Af Soomaaliga xilliga uu guddoomiyaha guddoominayo shirarka Baarlamaanka, jeedinta qudbooyinka iyo warsaxaafadeedyadaba.

Munaasabaddan qiimaha leh ee ka dhacday Xarunta Guddoomiyaha Baarmanaaka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno Baarlamaanka ka tirsan, Masuuliyiinta Shabakadda Wararka Kulmiye ka socday,Bahda Warfidiyeenka, Wasiirro hore, madax kale iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu soo beegay maalin ka hor munaasabadda weyn ee sanad guurada 4-aad ee ka soo wareegtay maalintii dhidibka loo aasay Shabakadda Wararka Kulmiye ee fadhigeedu yahay degmada Xamarweyne ayey guddiga diyaarinta munaasabadda sanad guurada waxay isla garteen in Guddoomiye Jawaari uu mudan yahay in lagu bogaadiyo laguna abaal mariyo sida wanaagsan ee uu u dhawro adeegsiga afka Soomaaliga iyadoo ay xilliyadan dambe caado noqotay in marka ay Masuuliyiinta Xukuumadda iyo kuwa Baarlamaankaba hadlayaan in afka Soomaaliga lagu milo afafka qalaad.

Agaasimaha Shabakadda Wararka Kulmiye Md. Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo Munaasabadda Hormuud ka ahaa ayaa ugu horeyn wuxuu Guddoomiye Jawaari iyo Marti sharaftii kaleba uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay uga aqbaleen codsigiisa ahaa in ay munaasabaddaasi qabsoonto iyo ogolaanshaha Guddoonka Baarlamaanka ay u ogolaadeen in ay Munaasabaddaasi ka dhacdo Xarunta Villa Hargeysa ee laga maamulo Baarlamaanka Soomaaliya.

Abwaan Guure oo ku hadlay magaca Shabakadda Wararka Kulmiye iyo soo Agaasimayaasha Munaasabadda ayaa wuxuu ka sheekeeyey sababta uu Guddoomiye Jawaari ku muteystay in Shahaaddo sharafta la guddoonsiiyo iyo sababta ay Shabakadda wararka Kulmiye u dooratay in ay Guddoomiyaha ku abaalmariso dhawrsita afka Soomaaliga.

Abwaan Guure oo Munaasabadda furay wuxuu yiri”Gudoomiye Jawaari waa Mas’uulka kaliya  ee Marka uu hadlayo Qudbadiisa aan ku dhexdarin Afafka qalaad,waa Ilaaliyaha Jiritaanka Afka Hooyo,waxaan og nahay in aad ku Hadasho Luuqado.laakiin aad ka ilaaliso markii aad hadleyso Afka Hooyo Af-kale in aad ku dhex darto.

Ugu dambeyntii Abwaan Guure wuxuu Madasha ay Munaasabaddaasi ka dhacday ka sheegay in Shabakadda Wararka Kulmiiye ay wariye Abuukar Albadri u dooratay in uu Shahaaddo Sharaftaas maamuuska xambaarsan magaca Kulmiye ku guddoonsiiyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo sharaxaya sababta Abuukar Albadri loogu doortay inuu Guddoomiayaha shahaaddadaasi magaca Kulmiye ku guddoonsiiyo ayaa wuxuu yiri” Gudoomiye Abuuka Al-badri sida ka muuqataba waa ilaaliyaha Dhaqan iyo Hidaha ummadda Soomaaliyeed ,sidaas ayaana ku dooranay in uu ku gudoonsiiyo Shahaadadaan aad ku muteysatay Dhowrista Afka-Soomaaliga.

Abuukar Sheekh Axmed Albadri oo ah saxafi Soomaaliyeed isla markaasna u ololeeya in dib loo soo nooleeyo hiddihii iyo dhaqankii Soomaaliyeed ayaa munaasabaddaasi hadal kooban ka jeediyey isagoo ka mahadceliyey in Kulmiye ay u dooratay inuu magaceeda Guddoomiye Jawaari ku guddoonsiiyo Shahaado sharafta lagu maamuusay sida wanaagsan ee uu Af Soomaaliga u adeegsado marka uu Baarlamaanka ama saxaafadda ka hor hadlayo.

Abuukar Albadri wuxu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in madaxdu ogaadaan in ay bulshada la socoto, wax tarkoodana lagu boggaadinaayo,Wuxuuna isagoo arrintaas ka hadlayo yiri”Waxaan kaa Codsaneynaa MD Gudoomiye sida aad u ilaaliso Afka Soomaaliga in ay Baarlamaankuna u ilaaliyaan,Xubnaha baarlamaankuna markii ay hadlayaan aysan Afka-Hooyo ku dhex darain Af kale”Gudoonka Baarlamaankana waxaan ka Codsaneynaa in ay soo Xirtaan Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Abuukar Albadri ayaa guddoomiyaha baarlamaanka ka codsaday in ay golaha u istaagaan soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed, lana xil dhawro.

Abuukar oo la hadlayey Guddoomiye jawaari ayaa xildhibaanada ku dhaliilay in aysan tixgelin carruurta Soomaaliyeed iyo waayeelka dhageysanaya marka ay qudbooyinka jeedinayaan, taas oo ay sabab u tahay in bulshada aysan badankeedba fahmeyn marka ay xildhibaanada hadlayaa Af Soomaaliga ku daraan ereyo badan oo afaf qalaad ah, kuwaas oo ay bulshada guud ahaan ay xaq u leedahay in loogu sheego afkeeda hooyo si ay uga haqab beesho waxa ay xildhibaanadu ka hadlayaan.

Ugu Dambeyntii Guddoomiye Jawaari oo isagoo qiireysan ka hadlay Munaasabaddaasi marka uu guddoomayey shahaado sharafta ay Kulmiye ku maamuustay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in lagu maamuuso Af Soomaaliga iyo sida wanaagsan ee uu u dhawray adeersigiisa.

Guddoomiye Jawaari oo ugu horreyn u hambalyeeyey Shabakadda wararka Kulmiye munaasabadda sanadguuradeeda 4-aad ayaa yiri”Waxaan u Mahadcelinayaa Idaacada Kulmiye iyo Maamulka iyo Shaqalaheeda,waana Idaacada aan Dhageysto oo aan aad u jecelahay Wararka iyo Barnaamijyada ay Bulshada u gudbiso,waxaana aamisanahay in ay Gudatay Amanadii ay ummadda u haysay,waana ku Faraxsanahay Shahaadada  ay Kulmiye ii garatay,Abuukar Al-badri oo Dhaqankii Soomaaliyeed Xanbaarsana uu igudoonsiiyay,waxaana Balan qaadayaa in aan kala hadlo Baarlamaanka Dhowrista Afka Soomaaliga,waxaana soo xiran doonaa Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Xubnaha kalena waan ku wargalin doonaa.

Bahda Kulmiye ayaa sidoo kale ugu dambeyntii Guddoomiye jawaari uga mahadcelisay in uu aqbalay in af Soomaaliga lagu dhawr Baarlamaanka, maadaama uu aqalka baarlamaanka u taagan yahay bulshada Soomaaliyeed, isla markaasna dhaqanka iyo hidaha lagu dhex nooleeyo Baarlamaanka.

Gudoomiye Jawaari oo Shahaado Sharaftaan lagu siiyay ilaalinta Afka Soomaaliga ayaa balan qaaday in uu bilaabi doono,soona horfariisan doono Baarlamaanka asagoo xiran Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Shabakadda Warbaahinta Kulmiye oo aalaaba u taagan dhiirigelinta danta guud ee bulshada Soomaaliyeed ayaa sanadguuro walba waxay shahaado sharaf guddoonsiisaa shaqsiyaadka Bulshada u qabta wax wanaagsan oo dan-guud ah sii ay u dhiirigeliso wax qabadka danta guud ee Bulshada Soomaaliyeed. 

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka kana Daawo sawirada

IMG_0779 IMG_0782 IMG_0784 IMG_0785 IMG_0789 IMG_0799 IMG_0843 IMG_0841 IMG_0828 IMG_0824 IMG_0817 IMG_0807 IMG_0878 IMG_0841

Sawir Qaade Marwaan Mayow

Daawo Sawirada: Munaasabada 4-Sano Guuradii Radio Kulmiye

$
0
0

Muqdisho–KNN– Maanta oo ah 9-ka  Bisha Labaad ayaa  Shabakadda Wararka Kulmiye KNN waxaa ay u dabaaldageysaa Munaasabad lagu Xusayo 4-sano Guuradii ka soo Wareegatay   Markii  Radio Kulmiye Dhidibada loo taagay.

Waxaa ka soo qeyb galay Munaasabada,Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, Ururka Haweenka Qaranka, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay adeegyadii ay bulshada u qabteen, isagoo si gaar ah u xusay in waxbadan oo bulshada ka qarsoonaa ay dibadda keeneen.

Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa tilmaamtay in ay aad ugu faraxsantahay ka qeybgalka xuska afar sano guurada ka soo wareegtay markii dhibibada loo taagay Idaacadda Kulmiye.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah qabiir saxaafadeed, kana mid ahaa dadkii ka hadlay xafladda ayaa xusay in Idaacadda Kulmiye ay ka mid tahay idaacadaha loogu dhageysiga jecelyahay magaalada.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya  Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in Idaacadda Kulmiye ay ka mid tahay idaacadaha u taagan u adeegidda bulsahda, isagoo Hambalyo u diray bahda Idaacadda Kulmiye.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa  howlwadeenada Idaacadda Kulmiye, kuna booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen faniin ayaa waxa ay madasha ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa waxqadbadka Idaacadda Kulmiye, iyadoo gabo gabadii xafladda Shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiin kala duwan.

 DSC04890 DSC04891 DSC04892 DSC04893 DSC04894 DSC04895 DSC04896 DSC04897 DSC04898 DSC04899 DSC04900 DSC04901 DSC04902 DSC04903 DSC04904 DSC04905 DSC04906 DSC04907 DSC04908 DSC04909 DSC04910 DSC04911 DSC04912 DSC04913 DSC04914   DSC04917  DSC04919 DSC04920  DSC04922 DSC04923 DSC04924 DSC04925 DSC04926 DSC04927 DSC04928 DSC04929 DSC04930 DSC04931 DSC04932 DSC04933          DSC04943 DSC04944 DSC04945 DSC04946 DSC04947 DSC04948 DSC04949 DSC04950 DSC04951 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ???????????????????????????????  ???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????DSC04755DSC04756DSC04757DSC04758DSC04759DSC04760DSC04761DSC04762DSC04763DSC04764DSC04765DSC04766DSC04767DSC04768DSC04769DSC04771DSC04772DSC04773DSC04774DSC04775DSC04776DSC04777DSC04778DSC04779DSC04780DSC04781DSC04782DSC04783DSC04784DSC04787DSC04788DSC04789DSC04790DSC04791DSC04792DSC04793DSC04794DSC04795DSC04796DSC04797DSC04798DSC04799DSC04800DSC04801DSC04802DSC04803DSC04804DSC04805DSC04807DSC04808DSC04809DSC04810DSC04811DSC04812DSC04813DSC04814DSC04815DSC04816DSC04817DSC04818DSC04819DSC04820DSC04821DSC04822DSC04823DSC04824DSC04825DSC04826DSC04835DSC04837DSC04838DSC04839DSC04840DSC04842DSC04843DSC04844DSC04845DSC04846DSC04847DSC04848DSC04849DSC04850DSC04851DSC04852DSC04853DSC04854DSC04855DSC04856DSC04857DSC04858DSC04859DSC04860DSC04861DSC04863DSC04865DSC04866DSC04867DSC04868DSC04869DSC04870DSC04871DSC04872DSC04873DSC04874DSC04875DSC04876DSC04877DSC04878DSC04879DSC04880DSC04881DSC04882DSC04883DSC04884DSC04885DSC04886DSC04887DSC04888DSC04889

 Sawir Qaade Marwaan Mayow

Radio Kulmiye oo maanta u dabaal degtay Munsabada 4sano guuradeeda”SAWIRO”

$
0
0

Maanta oo ah 9-ka  Bisha Labaad ayaa  Shabakadda Wararka Kulmiye KNN waxaa ay u dabaaldageysaa Munaasabad lagu Xusayo 4-sano Guuradii ka soo Wareegatay   Markii  Radio Kulmiye Dhidibada loo taagay.

Waxaa ka soo qeyb galay Munaasabada,Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, Ururka Haweenka Qaranka, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay adeegyadii ay bulshada u qabteen, isagoo si gaar ah u xusay in waxbadan oo bulshada ka qarsoonaa ay dibadda keeneen.

Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa tilmaamtay in ay aad ugu faraxsantahay ka qeybgalka xuska afar sano guurada ka soo wareegtay markii dhibibada loo taagay Idaacadda Kulmiye.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah qabiir saxaafadeed, kana mid ahaa dadkii ka hadlay xafladda ayaa xusay in Idaacadda Kulmiye ay ka mid tahay idaacadaha loogu dhageysiga jecelyahay magaalada.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya  Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in Idaacadda Kulmiye ay ka mid tahay idaacadaha u taagan u adeegidda bulsahda, isagoo Hambalyo u diray bahda Idaacadda Kulmiye.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa  howlwadeenada Idaacadda Kulmiye, kuna booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen faniin ayaa waxa ay madasha ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa waxqadbadka Idaacadda Kulmiye, iyadoo gabo gabadii xafladda Shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiin kala duwan.

IMG_0984 IMG_0986 IMG_0989 IMG_0990 IMG_0991 IMG_0992 IMG_0993 IMG_0994 IMG_0995 IMG_0996 IMG_0997 IMG_0998 IMG_0999 IMG_1000 IMG_1001 IMG_1002 IMG_1003 IMG_1004 IMG_1008 IMG_1009 IMG_1010 IMG_1011 IMG_1012 IMG_1013 IMG_1014 IMG_1015 IMG_1020 IMG_1030 IMG_1032 IMG_1037 IMG_1038 IMG_1039 IMG_1040 IMG_1042 IMG_1043 IMG_1044 IMG_1045 IMG_1048 IMG_1049 IMG_1052 IMG_1053 IMG_1054 IMG_1055 IMG_1056 IMG_1058 IMG_1059 IMG_1063 IMG_1064 IMG_1065 IMG_1066 IMG_1069 IMG_1070 IMG_1071 IMG_1072 IMG_1073 IMG_1074 IMG_1075 IMG_1076 IMG_1077 IMG_1078 IMG_1079 IMG_1080 IMG_1081 IMG_1082 IMG_1092 IMG_1108 IMG_1109 IMG_1111 IMG_1112 IMG_1113 IMG_1114 IMG_1116 IMG_1117 IMG_1118 IMG_1124 IMG_1125 IMG_1126 IMG_1127 IMG_1128 IMG_1129 IMG_1130 IMG_1131 IMG_1132 IMG_1133 IMG_1134 IMG_1135 IMG_1137 IMG_1138 IMG_1139 IMG_1140 IMG_1141 IMG_1142 IMG_1144 IMG_1145 IMG_1146 IMG_1147 IMG_1148 IMG_1149 IMG_1151 IMG_1152 IMG_1153 IMG_1155 IMG_1156 IMG_1157 IMG_1158 IMG_1159 IMG_1160 IMG_1161 IMG_1162 IMG_1163 IMG_1164 IMG_1165 IMG_1166 IMG_1167 IMG_1168 IMG_1169 IMG_1173 IMG_1175 IMG_1176 IMG_1178 IMG_1179 IMG_1183 IMG_1195 IMG_1197 IMG_1199 IMG_1201 IMG_1202 IMG_1203 IMG_1213 IMG_1217 IMG_1219 IMG_1220 IMG_1221 IMG_1222 IMG_1223 IMG_1224 IMG_1226 IMG_1227 IMG_1228 IMG_1229 IMG_1230 IMG_1231 IMG_1232 IMG_1233 IMG_1234 IMG_1237 IMG_1238 IMG_1239 IMG_1240 IMG_1241 IMG_1242 IMG_1243 IMG_1244 IMG_1245 IMG_1246 IMG_1247 IMG_1248 IMG_1249 IMG_1251 IMG_1252 IMG_1253 IMG_1254 IMG_1255 IMG_1257 IMG_1258 IMG_1259 IMG_1261 IMG_1262 IMG_1265 IMG_1270 IMG_1271 IMG_1272 IMG_1273 IMG_1277 IMG_1278 IMG_1280 IMG_1282 IMG_1285 IMG_1286 IMG_1287 IMG_1288 IMG_1289 IMG_1290 IMG_1294 IMG_1296 IMG_1297 IMG_1301 IMG_1302 IMG_1303 IMG_1304 IMG_1305 IMG_1306 IMG_1307 IMG_1308 IMG_1310 IMG_1311 IMG_1312 IMG_1316 IMG_1317 IMG_1318 IMG_1320 IMG_1322 IMG_1324 IMG_1326 IMG_1329 IMG_1330 IMG_1331 IMG_1332 IMG_1333 IMG_1334 IMG_1335 IMG_1336 IMG_1337 IMG_1338 IMG_1339 IMG_1340 IMG_1341 IMG_1342 IMG_1343 IMG_1344 IMG_1345 IMG_1348 IMG_1351 IMG_1353 IMG_1355 IMG_1356 IMG_1357 IMG_1358 IMG_1359 IMG_1360 IMG_1362 IMG_1363 IMG_1364 IMG_1365 IMG_1366 IMG_1367 IMG_1368 IMG_1369 IMG_1371 IMG_1373 IMG_1374 IMG_1377 IMG_1378 IMG_1379 IMG_1380 IMG_1381 IMG_1382 IMG_1383 IMG_1384 IMG_1385 IMG_1386 IMG_1387 IMG_1388 IMG_1389 IMG_1391 IMG_1392 IMG_1401 IMG_1402 IMG_1406

Sawir Qaade Marwaan Mayow Abul-Hussein

Wasiirka Arr/ Gudaha oo la Kulmay Gudiga Farsamada Gobolada dhexe”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN–  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odaywaa” ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya  kula kulmay Gudiga Faesamada ee Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka ayaa Gudiga kala hadlay Dardar galinta Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka iyo sidii Gudiga uu Deg Deg ugu tagi lahaa Degmada Cadaado oo Shirka Maamul u sameynta lagu qabanayo  Bisha Soo socota.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Gudiga ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Xalinta Colaada ka taagan Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.

10957211_792917390787764_1346008455_n 10967932_792917380787765_1251293046_n (1) 10967932_792917380787765_1251293046_n (2) 10967932_792917380787765_1251293046_n 11004053_792917394121097_323462170_n 11004276_792917377454432_259433729_n 11004948_792917387454431_922144802_n 11005965_792917374121099_1101361426_n

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay dardargalinta howlaha shaqo ee Xukuumadda.”SAWIRO”

$
0
0

Muqdisho, Khamiis, February 19, 2015—–Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen Mudane Maxamed Cumar Carte. Kulankan ayaa goluhu uga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga dalka, dagaalka Guriceel iyo sidoo kale dardargalinta howlaha shaqo ee Xukuumadda.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar, isaga oo uga warbixiyay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidanka amnigu ay si adag uga jawaabeen dhacdooyinkii caasimadda ka dhacay isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen xubno kamid ah kooxihii ka danbeeyay dilalkii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan qaar kamid ah kooxihii ka danbeeyay dilkii saraakiishii ka shaqaynayay Garoonka Muqdisho, waxana ay xubnaha golaha wasiiradu wadajir uga tacsiyeyeen dadkii ku naf waayay weerardii ugu danbeeyay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamadda ammaanku, waxaana uu sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan Ciidamada iyo daweynaha Soomaaliyeed si looga hor tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabad diidka ah, wuxuna geesta kale mahad celin u jeediyay Ganacstada iyo indheer garadka Soomaaliyeed ee kala dhex galay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

“Waxaan bogaadin u dirayaa dadkii Soomaaliyeed ee isku howlay in ay kala dhex galaay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guriceel, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo Ciidanka qaranku inuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte.

Waa kulanka koowaad ee golaha wasiirrada tan iyo markii ay xilka sida rasmiga ah ula wareegeen, waxa ayna durbaba guda galeen ballanqaadkii ay ku sameeyeey kulankoodii ugu horreeyey, iyaga oo aan xilalkooda la wareegin ee ahaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbinayaan qorshaha ay ku howlgalayaan sannadkan hadda socda.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Gudiga Amniga oo Go’aano soo saaray iyo Gudiyo lamagacaabay”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho, February 20, 2015…Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada, uuna kala soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga arrin saday weerarkii argagixiso ee duhurkii Jimcaha 20 February, 2015 lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin salaadda Jimcaha ku tukanayey masaajid ku dhex yaala Hotel-ka.

Falkaas argagixiso waxaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo nafti halige is qarxiyay. Dhacdadaas argagixiso waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha. Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 40 qof oo u badan dhaawac fudud, uu kamid yahay R/Wasaare ku xigeenka, mudane Max’ed Cumar Carte iyo dad kale oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin.

Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada waxaa lagu go’aamiyey:

1. Cambaareyn weerarkii wuxuushnimo ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda.
2. U tacsiyeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.
3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaan kusoo sameynaya falkii argagixiso, si loo qaado tallooyinka xiga.

Falalka argagixisinimadu ma wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo dawladda sidii dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaali lahaa loona gaari lahaa ciribtirka argagixisada.

IMG_0021-600x400 IMG_00062-600x400 IMG_00132-600x400 IMG_00171-600x400

Madaxweynaha Djibouti oo si diiran loogu soo dhoweeyay Muqdisho”Sawiro”

$
0
0

21 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana u bilowdey socdaal rasmi ah oo u dalka ku yimid.

Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, Taliyeyaasha Ciidammada, Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble, Taliyeyaasha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso taagaerada mar walba uu Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah in mar kale walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho nagu soo booqdo isaga iyo wafdigiisa. Abaalka ay inoo galeen walaalaheena Djibouti ma ilaabi doonno, waayo waxay ina soo garab qabteen xilli aad u adag, waxaana muuqata inaaney weli dadaalkaasi iyo taageeradaasi ka daalin.Naf iyo maal ayay inoo hureen, waxayna safka hore kaga jiraan dagaalka aanu dooneyno inan cadowga nabadda ka soo horjeeda ku ciribtirno. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne ku soo dhowow dalkaaga labaad iyo shacab ku jecel’’.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa tacsi u direy ummadda Soomaaliyeed weerarkii arxandarrada ahaa ee shaley kooxaha nabadda diiddan ku laayeen dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

“Waan idin la qeybsanayaa dhibaatada shaley dhacdey, laakiin waxaan kooxaha falalkaasi Islaamka ka baxsan ku dhaqaaqaya u sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan, isla markaana argagaxa lagu hayo aanu ka joojin doonin inay gaaraan himilooyinka ay leeyihiin oo ay ugu horeyso inay nabad buuxda iyo barwaaqo gaaraan Ilaahay idankii’’.

Madaxweynaha Djibouti ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, Guddomiyaha Maamulka Dekedaha Djibouti, Abuubakar Cumar Xaddi, La Taliyaha Madaxweynaha Djibouti Xaashi Cabdullaahi Orrax iyo mas’uuliyiin kale.

Inta ay dalka joogaan wafdiga waxay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

DHAMMAAD

unnamed10 unnamed-27-620x264 unnamed-28 unnamed-37 unnamed-45 unnamed-56 (1) unnamed-56 unnamed-65 unnamed-82 unnamed-92 unnamed-102 unnamed-114 unnamed-115 unnamed-122

Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya”SAWIRO”

$
0
0

22 Febraayo 2105, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa biladda lagu guddoonsiiyey xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Djibouti ay wax weyn u qabteen shacabka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu mudan yahay biladdaasi iyo wax ka badan, Soomaalidanna aaney weligood ilaabi doonin abaalka loo galey.

Madaxweynaha Djibouti oo isna munaasabaddaasi ka hadley ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay Soomaaliya.

Xafladda casho sharafta waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha wafdiga Djibouti, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, xubnaha baarlamaanka, taliyeyaasha ciidammada, xubno ka tirsan Akadememiyad Goboleedka Afka Soomaaliga iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa suugaan kala duwan ku soo bandhigey kooxaha fanka ee gobolka Banaadir.

DHAMMAAD

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

sidee Baledweyne loogu soo dhaweeyay Xasan Sheikh & Cismaaciil Cumar Geelle”Sawiro”

Suxuufiyiinta Ximan iyo Xeeb oo Tababar loo Furay”Sawiro”

$
0
0

Cadaado–KNN–Ururka ay ku mideysan yihiin wariyaasha Ximan iyo Xeeb ayaa tababar u furay in ka badan 30 wariye oo ka howlgala deegaanada hoos yimaada maamulka Ximan iyo Xeeb.

Tababarkan oo socon doon mudo dhowr maalin ah ayaa lagu bari doonaa wariyaasha anshaxa saxaafada iyo sare u qaadista aqoon suxufiyiinta waxaana bixinaya casharada macalimiin qibrad iyo waayo aragnimo u leh saxafad.

Qaarkamid ah wariyaasha ka faa’iideysanaya tababarkan ayaa sheegay inay kufaraxsan yihiin qaadashada casharaxa la xariira anshaxa saxaafada waxayna tilmaameen inay ku raja weyn yihiin inay wax ka koror sadaan tababarka mudada uu socdo.

Maxamuud Cabdi Diirshe oo kamid ah macalimtiinta bixineysa tababarka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in wariyaasha ay ka caawiyaan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadooda islamarkaana ay ku didaalayaan bixinta casharo tayo leh.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta deegaanada Ximan iyo Xeeb Mahamed Mahamud Aw adan oo warbaahinta kula hadlay goobta uu ka socday tababarku ayaa sheegay in ururka suxufiyiinta uu markasta u taagay yahay hormarinta saaxafada iyo tayaynta suxufiga waxuuna gudoomiyaha codsaday in laga taageero tababarada wariyaasha.

Xiliyadii lasoo dhaafay ayaa ururka suxufiyiinta waxa ay wadeen qorshayaal ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfada wariyaasha maadama ay suxufiyiinta u baahan yihiin tababaro joogto ah.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Meydka Qof Dumar ah oo Saaka laga helay Xeebda Liido

$
0
0

Muqdisho–KNN–Meydka Qof Dumar ah ayaa Barqanimadii Saaka la keenay Isbidaal ku yaala Degmada Xamar-weyne Ee Gobolka Banaadir,iyadoona Dadka Qaar ay noo sheegeen in Meydkeeda laga soo qaaday Xeebta Liido.

Dhaqtar kamid ah kuwa Isbitaalka Iqra oo Meydka Gabadha la geeyay ayaa Kulmiye  u sheegay in Meydka ay Isbitaalka keeneen Shan Wiil oo dhalinyaro ah,kuwaas oo goobta iskaga tagay.

Wariye  Zakariye Maxamuud  Timacadde oo ka tirsan Kulmiye ayaa Booqday Isbitaalka Meydka la dhigay ,wuxuuna sheegay in Meydka aysan ka muuqan wax Dhaawacyo ah,balse loo maleenayo in Biyaha Badda ay ku dhibatay Ama Ceego lagu dilay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in

Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in la Aqoonsan waayay Meydka Gabadha,waxaana uu Codsaday in Cidii Aqoonsata Meydka ay Isbitaalka la soo xariiraan.

Maamulka Degmada Cabdi Casiis wali kama hadlin Arrintaan ku Aadan Meydka Gabadha Saaka laga soo qaaday Xeebta Liido ee Degmada Cabdi Casiis.

Wasiirka Arr.Dibadda oo la Kulmay Mas’uul ka tirsan Dowladda Qatar”Sawiro”

$
0
0

Mogadishu, March 03, 2015 - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar  ee Soomaaliya Eng . Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh .

Kulanka intii uu socday , ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim u ah danaha wadaagga ah iyo qaabkii lagu xoojin lahaa .

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xoogan oo walaalnimo oo soo jireen ah oo ku qotama iskaashiga dhaqan , dhaqaale ,siyaasad iyo bulsho , iyadoo Dowladda Qatar  ay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee caawiya Soomaaliya .

IMG_0568 IMG_0576 IMG_0578 IMG_0579 IMG_0581 IMG_0582 IMG_0584 IMG_0586 IMG_0587

QM oo balan qaaday in ay Caawineyso Dadka Tabaaleysan”Sawiro”

$
0
0

Mogadishu, March 04, 2015 -Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa agaasimaha Barnaamijka Cunnadda Adduunka ( WFP) u qaabilsan Soomaaliya Laurent Bukera oo ay ka wada hadleen xaaladda cunna yari ee heysata barakacayaasha iyo dib u dejin loo sameeyo dadka saameyntu ku yeeshay colaadaha sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa muujiyay in Soomaaliya oo guda-gashay xilliga jiilaalka ay aad ugu baahi qabto gargaar bani’aadanimo si looga hortago dhibaatooyin bani’aadanimo oo hor leh , iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay roobku ahaa mid aad u yar , taasoo sabab u noqotay  in hoos u dhaco wax soo saarka beeraha .

Laurent Bukera ayaa dhankiisa balan-qaaday inay kaalin balaaran ka qaadan doonaan fidinta gurmad degdeg ah oo cunno si looga gaashaanto gaajo iyo nafaqa darro ku dhacda haweenka , caruurta iyo dadka da’da ah.

IMG_0598 IMG_0599 IMG_0600 IMG_0601 IMG_0603 IMG_0604 IMG_0605 IMG_0606

Wasiirka Arr,dibadda oo QM kala hadlay Caawinta Qaxootiga Soomaalida”Sawiro”

$
0
0

Mogadishu, March 05, 2015 - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda  Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga  ( UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka bariga Afrika , si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah , kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye .

Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed , si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Lataliyeyaasha Xafiiska Wasiirka .

DSC_8148 DSC_8149 DSC_8151 DSC_8153 DSC_8154 DSC_8155 DSC_8156 DSC_8157 DSC_8158 DSC_8159

Talyaaniga oo Gaadiid dagaal ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya”Sawiro”

$
0
0

Muqdisho–KNN–Munaasabad maanta lagu qabtay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ay kaqeybgaleen mas’uuliyiinta ciidamada xooga dalka iyo saraakiil ka socotay dowladda Talyaaniga ayaa ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mileteriga lagula wareejiyay gawaari nooca ay ciidamadu isticmaalaan ah kuwaasoo ay ugu deeqday dowladda Talyaaniga.

Gawaaridan oo tiradoodu gaareyso 54 ayaa waxaa loogu talo_galay ciidamada Booliska Mileteriga,iyo Nabadsugida waxaana  ugu horeyn ka hadlay Bernando Mencaraglia oo ka socday wasaaaradda gaashandhiga Talyaaniga kaasoo sheegay in arintan ay qeyb ka tahay fulinta ballan qaadyo ay dowladda Talyaanigu horay ugu sameysay Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa uga Mahad celiyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidamada Xoogga dalka si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada Soomaaliya.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Madaxweynaha oo hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed”Sawiro”

$
0
0

.Muqdisho, 8 Maarso 2015: Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Haweenka, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo dhinaca kalena xusey doorka muuqda ee haweenka Soomaaliyeed iyo muhimaddooda mustaqbalka iyo horumarka dalka.

“Waxan halkan ka qirayaa xishmad balaaranna u hayaa doorka haweenka Soomaaliyeed ha noqdeen kuwii hore, kuwa maanta jooga iyo kuwa mustaqbalka intaba. Haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo geesinimo labataankii sanno ee la soo dhaafey ee colaadda ay dalkeena ka jirtey. Iyaga oo xaalad adag ku jira ayay hadana waxay muujiyeen adkeysi, waxayna ku guuleysteen inay abuuraan rajo iyo rabitaankooda ku aaddan in nabad iyo kala dambeyn dalka lagu soo dabbaalo. Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Caalamka ma jiro dal qura oo si dimoqraadi ah horumar ku gaarey iyadoo aaney haweenka kaalin buuxda ka qaadan qeybaha kala duwan ee adeegyada qaranka. Ka Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hor imaan kara in xuquuqda haweenka laga doodo, si dhab ah wax looga qabto, lana ilaaliyo shuruucda ku saabsan hirgelinta xuquuqda dhameystiran ee haweenka . Hawlo badan ayaa ina horyaalla, kuwaas oo ay tahay inaan si wadajir ah u shaqeyno si wax loogu qabto haweenka Soomaaliyeed. Waa in meesha laga saara wax alaale wixii caqabad ku ah haweenka inay doorkooda ka cayaaraan bulshada dhexdeeda, in codkooda la maqlo ha noqoto bulshada oo dhan amaba si gaar ah. Iyadoo aanu wadno horumarinta hay’adaheena dowliga ah, waa inaan xaqiijinaa inaaney jirin wax caqabad ah oo ka hor istaagaya haweenka inay kaalin ku yeeshaan adeegyada bulshada ee kala duwan. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah waxbarashada oo loo baahan yahay in lagu baahiyo Soomaaliya oo dhan si ay gabdhaheena u helaan fursado waxbarasho oo la mid ah kuwa ay helaan wiilasha walaalahooda ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey doorka haweenka ay ka qaadan karaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

“Dib u heshiisiinta, horumarka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida waxay waxtar yeelan karaan amaba lagu horumarin karaa oo keliya marka gabdhaheena, kuwa inala dhashey, xaasaskeena iyo hooyooyinka la xishmeeyo, laga qeybgeliyo, lana dhegeysto,iyadoo xuquuqdoodana la dhowrayo sida sharcigu dhigayo.

Waxaan ku boorinayaa hay’adaha kala duwan ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dedejiyaan shuruucda, xeerka siyaasadeed iyo nidaam horseedi kara in wixi hore laga soo gudbo , lana bilaabo bog cusub oo haweenka ay ku helayaan xuquuqdooda oo dhameystiran. Inagoo haddaba u dabbaaldegeyna maalinta Haweenka Caalamiga ee sannadka 2015, waxaa dhammaanteen la inaga doonaya inaan mudnaan gaar ah siinno maalintan nagu weyn’’.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ka hadlay waxqabadka dowladda, Hiigsiga 2016, dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5)unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Wasiir Maareeye oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta”Sawiro”

$
0
0

Mogadishu, 09 Maarso 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta (UAE) Mohamed Al-Othman. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Imaaraadka ay u sii kordhin laheyd dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida Dowladda iyo shacabka dalkaas ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka. Wasiirka ayaa ka codsaday in Dowladda Imaaraadka ay Wasaaradda ka saacido horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiirka ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida ay dhaawacii qaraxii Hotel Central ay ugu gurmadeen oo ay u fidiyeen gar-gaar caafimaad oo dalka Imaaraadka loo qaaday oo halkaas lagu daaweynayo.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Al-Othman ayaa ballanqaaday in Dowladda Imaaraadka ay garab is taageyso Dowladda iyo shacabka, isla markaasna uu taageeri doono qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, si Soomaaliya ay u gaarto horumar ballaaran.

unnamed unnamed (2) unnamed (1)

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya”Sawiro”

$
0
0

Djibouti, Arbaco 11 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Djibouti iyo Mudane Cabdulqadir Kamil Maxamed  Ra’isul Wasaaraha dalka iyadoo laga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Djibouti taageerada joogtada ah ee mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo ciidamada Djibouti ee AMISOM oo gacan muuqata ka gaysta sugidda amniga dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay labo saacadood ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay Madaxweynaha Djibouti xaaladda guud ee Soomaaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 2016-ka, kuwaasi oo ay kamid yihiin tababarka ciidanka, dib-u-heshiisiinta, dar-dargalinta shuruucda, dhamaystirka maamuladda goboleedyada, magacaabista guddiyada laf-dhabarka u ah in doorasho ay dalka ka dhaco iyo howlgalinta kuwa hadda jira.

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu yiri:

 “Waxaan marka hore ka mahad celinayaa soo dhoweynta diirran ee aniga iyo wafdigayga aan la kulannay, Madaxweynaha Djibouti waxaan ka wada hadallay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee aan wadaagno iyo adkaynta iskaashiga noo dhexeeya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo ganacsiga labada dal oo mar haddii aan wadaagno waxyaabo badan oo muhiim u ah shacabkeena.

Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Djibouti taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay in ay gacan buuxda ka gaysato xasilooni buuxda oo ka dhalata Soomaaliya iyo dhismaha haya’adaha dawladda. Waxaana Djibouti ay gacan ka gaysan doontaa sidii aan ku gaari lahayn hiigsiga 2016-ka.”

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Djibouti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalka isla markaana waxaa uu booqan doonaa dakadda Djibouti iyo goobo kale oo muhiim ah.

La soco sawirada kale haddii uu Ilaahay idmo.

—DHAMAAD—

GEELE HADLIYE JAANGALI SHARMARKE vlcsnap-2015-03-11-16h34m51s207 vlcsnap-2015-03-11-16h35m03s73

Ridwaan Haji Abdiwali
Afhayeenka Xukuumadda,
Djibouti, Djibouti
Viber: 00252616969105
E-mail: 
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Viewing all 361 articles
Browse latest View live